 Hargeysa(RH)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Fadhigoodii Maanta Warbxinka Dhagaystay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Dr:Sacad Cali Shire Warbixintan Oo la Xidhiidhay Xeerka Tirikoobka Qaranka Fadhigan Saaka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Waxaa Shir Gudoominayey Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax
Waxayna Xildhibaanadu Warbixin Ka Dhagaysteen Wasiirka Qorshaynta Waxaanu Wasiirku Xildhibaanada Golaha Uga Waramay Xeeka Tarikoobka iyo Macluumaadka Uu Xanbaarsan yahay XeerkaniWaxaanu Tilmaamay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Sacad Cali Shire in Xeerkani yahay mid Faaiido Balaadhani Ugu Jirto Bulshada Somaliland ,Una Sahlayo in la Diwaan Galiyo Dadka Dhalanaya ,Kuwa Dhimanaya,Kuwa Dhisanaya,isla Markaana la Soo Saaro Daraasad lagu Kal Soon yahay Oo iftiiminaysa Tirada Dadka Waxbarashada U Baahan Kuwa Xaaladooda Caafimaad Dib U Eegista U Baahantahay iyo Waliba Dhalinyarada Garoomad Ciyaaraha loo Diyaarinayo inta ay leeg yihiin
Intaasi Ka Dib Xildhibanada Golaha Wakiiladu Waxay Wasiirka Halkaasi Ku Wediiyeen Su aalo Kala Duwan Oo Guud ahaantood la Xidhiidha Xeerka Tirikoobka Wasiirkuna Waa Uu uga Jawaabay Xildhibaanada ,Inkastoo ayna Kuwada Qancin Mudanayaashu Qaar Kood Jawaabihii Uu Wasiirku Bixiyey.
By Maxamed Jiciir Aw Axmed
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa /Somaliland
|