 RH. Kobenhagen: Dawladda deenishka ayaa taageeraysa hawlgallada milateri ee Faransiisku ka wado dalka Mali, oo kooxo muslimiin hubaysani isku deyayaan, inay afgembiyaan ciidamada tamarta daran ee dalkaas.
Sidaas waxa sheegay wasiirka arrimaha debedaa, Villy Søvndal (SF), oo walaac ka muujiyay xaaladda dalkaas ku yaal woqooyi galbeed Afrika.
- Dadaallada Faransiiska ayaa ugu yaraan ku wajahan baahida loo qabo, in la difaaco dadwaynaha rayidka ah, lagana hortago ururada argagixisada ah ee xaawilaya, inay afgenbiyaan dawladda, ayuu yidhi Villy Søvndal.
Xaaladda Maali oo walaac leh
Faransiiska ayaa jimcihii ku tallaabsaday hawlgallo militeri uu ka wado dalka Maali, iyadoo ciidamada Faransiiska iyo dayuuradihiisa dagaalku weerarro ku hayaan kooxaha hubaysan ee ka taliya woqooyiga dalka.
- Aad ayaan uga walaacsan ahay xaaladda dalka Maali. Waxay halis ugu jirtaa qalalaase kale, sidaas awgeed waxaan si buuxda u taageerayaa hawlgallada Faransiisku isku deyayo, inuu ku xasilayo dalkaas, ayuu yidhi wasiirka arrimaha debeddu.
Søvndal ayaa sheegay, in weeraradii kooxaha kacsani ku soo qaadeen waqooyiga dalka Maali, ay jahawareer geliyeen xaaladda.
source.dr.dk |