 RH.Kobenhagen: Sannadihii ugu danbeeyay ayaa dhammaan degmooyinka dalku dhiseen unugyo kantarool, oo kashifa muwaadiniinta khiyaameeya deeqaha bulshada.
Degmooyinka ayaa ugaadhsanaya dadka qaata lacagta shaqola'aanta, iyagoo shaqeeya ama qaata deeqaha masruufe keli ah - iyagoo dhab ahaan lammaane ku nool.
Sidaas waxa sheegay guddoomiyaha guddida suuqa shaqada ee ururka degmooyinka dalka, Jacob Bundsgaard.
Waa in lacagta la soo wada celiyo
- Waa in si adag loola socdo, in la joojiyo dhaqankaas, laguna soo wada celiyo lacagtaas khasnadda degmada, ayuu yidhi Jacob Bundsgaard.
Ururka degmooyinka dalka ayaan hayn tirokoobyo saxa, laakiin wuxu sheegay, inay fiican tahay, oo degmooyinku wada leeyihiin unugyo gaar ah oo arrimahaas u qaabilsan.
- Si fiican ayay hawshaasi uga socotaa degmooyinka, taasoo ka dhigan, in lacag badan dib loo soo celiyay, ayuu yidhi Jacob Bundsgaard.
370 ayaa loo hayaa hawshaas
Warbixinta ugu danbaysa ayaa muujinaysa, in degmooyinku u hayaan hawshaas ilaa 370 milyan oo koron sannadkii, taasoo loogu talogalay in lagu kashifo dadka khiyaamaynaya bulshada.
Degmooyinka ayaa qaada tallaabooyin ku wajahan dadka khiyaameeya bulshada, waayo khiyaamada bulshadu waa tuugo la xadayo khasnadda ka dhaxaysa dadwaynaha.
Degmooyinka iyo cilmibaadhayaasha ayaa filaya, in khiyaamada bulshadu gaadhsiisan tahay sannadkii 5-12 bilyan oo koron.
19.000 dhakhtar oo kale ayaa lagu shaqaalayn lahaa
12 bilyan oo koron waxa tusaale ahaan cusbataallada dalka lagu shaqaalayn 19.000 dhakhtar oo dheeraad ah.
- Waa weerar lagu qaaday wadajirkii iyo barwaaqosoorankii bulshada, marka dad khiyaameeyaan lacagtaas, taasina waxay keenaysaa in meelo kale dayacmaan, ayuu yidhi guddoomiyaha guddida suuqa shaqada ee ururka degmooyinka dalka, Jacob Bundsgaard.
source.dr.dk
Tarjumaada: Axmed Diiriye |