 Hargeysa(RH)Shirkada Dhismaha Guryaha iyo Samaynta Taawarada isgaadhsiinta Ee Taran Oo Ka Shaqaysa Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa Waxay Ka Warbixisay Howleheeda Shaqo iyo Qaababka Cusub ee ay Kaga Duwan tahay Shirkadihii Hore Dalka Uga Howl Galayey Shirkad Dhismaha Taran Oo Ka Mid ah Shirkadaha Mudooyinka Danbe Ka Shaqeynayey Magaalada Hargeysa Sidoo Kale Shirkadan ayaa Waxay Samaysaa Taawarada Shirkaaha isgaadhsiinta Waxaanu Sidaasi Ka Waramaya Masuulka Shirkada Taran Eng.ismaaciil Kaasi Oo Faah Faahin Naga Siiyey Marxaladihii Kala Duwanaa ee ay Soo Martey Shirkada Taran iyo imika Halka ay Mareyso Waxanu Eng ismaaciil Sheegay in ay Shirkada Dhismaha Taran ay Ka Soo Gudubtey Marxalado Kala Duwan isla Markaana imika ay Mareyso Meel Wax Ku Oola ,
Waxaanu Sheegay in ay Xidhiidh Wanaagsani Ka Dhexeeyo Shirkadaha is Gaadhsiinta Oo Uu Sheegay in ay Kala Howl Galaan Samaynta Taawarada ,Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay in Guud ahaanba Dadweynaha Kala Duwan ee Ku Dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa ay Wada Shaqayn leeyihiin Guryo Kala Duwana Shirkadu Ka Dhistey Magaalada Hargeysa,Waxaanu Eng ismaaciil Tilmaamay in ay Dhismaha Taawarada Ka Dhisaan Goobo Farabadan Oo Ka Tirsan Somaliland
Waxaanu Ku Dheeraaday Masuulka Shirkada Taran Sida ay Ugu Xeel Dheer yihiin Qaabaynta Dhismaha Casriga ah isla Markaana Waxaa Uu Sheegay in ay Aqoon Durugsan u leeyihiin Howshan Samaynta Taawrada iyo Guryaha
|