 Bali Gubadle(RH)Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bali Gubadle ayaa Fadhi ay Maanta yeeheen Waxay ku doorteen Gudihoosaadyada Golahaasi Uu yeelan Doono, Fadhigan Maanta Oo Ka Qabsoomay Xarunta Dowlada Hoose ee Degmadaasi Bali Gudbadle ayaa Waxaa Shir Gudoominayey Maayirka Degmada Bali Gudbadle Cabdi iimaan Jamac
Sidoo Kale Xidhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bali gubadle Waxay Hanbalyo U Direen Ciidanka Qaranka Somaliland Munaasibada Sanad Guuradooda Awgeed oo maanta Ku Beegnayd iyo Saraakiisha Kala Duwan ee Ciidanka Qaranka ,Mudanayaasha Degamada Bali Gubadle Waxay isla Qaateen Dhimaha Gudi Hoosaadkaasi uu yeelan doono Golahaasi iyo waajibaadka Gudi waliba ku Howl Gali Doonto
Sida aynu Wada Ognahay Xarunta Degmada Bali Gubadle ayaa Mudo dheer Xarun U Ahayd Guutooyinkii Xoogagii SNM isla Markaana ahayd Goobtii Dalkan Somaliland Hanashadiisa looga Soo Hal Gamay Taasi Oo Mar walba lagu Xasuusto Goob Dalka Taariikh lama ilaawaana Ku leh Kana Hirgashay Deegaankii ugu Horeeyey ee ay Ka Hirgashay Siyaasadii Hubka Dhigista Maleeshiyaadka ee Sanadihii Bilowgii Sagaashanaadkii |