35 qof oo ku geeryoodey Bas kula dhacey dalka Sacuudi-Arabia

RH. Shilkan baabuur ayaa ka dhacey goobta looga baxo magaalada al-Akhal  gobalka Medina ee galbeedka Sucuudiga.

shilkan sababey dhimashada 35 qof  ayaa dhacay shaley Arbacadii

Warkan ayuu xaqiijiyey afhayeenka booliiska ee gobalka Madina mar uu u waramayey wakaalada wararka ee sucuudiga oo magaceeda loo soo gaabiyo SPA.

Marka laga yimaado 35 qof ee geeryoodey waxaa iyana shilkaas ku dhaawacmey 4 ruux ookale sida ay qortay wakaalada wararka ee  dpa.

Safar Diimeed

Inkasta oo uu wali baadhitaanku socdo hadana waxa ay si hordhac ah Booliisku usheegeen in la rumeysanyahay in ay dadka Baskani la dhacay ay ku jireen safar cibaado oo ay ugu socdeen magaalada barakeysan ee Madina.

waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category