Aarhus- Denmark: Haweenay ay rag si xun ugaraaceen.

RH: Waxay aadey goobtan oo ay u haysatey maqaaxi shiishada lagu cabo balse ay markii dambe ogaatey in ay tahey goob urur leeyahay, markii ay damacdey in ay gasho ayaa rag irida taagnaa  u diideen in ay gudaha ugasho, intaas kadib waa la is af dhaafey ,

Kadibna sida aad aragtaan si xun ayaa loo garaacey waxaana dhaawacyo laga soo dhaadhsiiyey dhanka daamanka.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Lul Omar oo da’a ahaan jirta 25 sanno ayaa la waydiiyey sababta ay u maleynayso in dhibka intaas leegi usoo gaadhey waxaaney sheegtey in markii loo diiday in ay irida ka gasho ay ku yar qososhay ragii taas oo sida caadiga ah ay sameyso marka ay  la kulanto arin cabsi leh, iyada oo sii faahfaahineysa waxa ay tidhi waxa ay malaha  uqaateen in aan iyaga udanleeyay oo aan ku jeesjeesayo.

Sida ay sheegtey iyada lafteedu dhalo biir ah (khamri)  ayay sii cabtey intii aaney tagin goobta,

Si kastaba ha ahaatee ,way qaylisey markii feedhka lagu bilaabey iyada oo leh i caawiya ,waaxa maqley dad meesha ka ag dhawaa oo booliiska u wacey iyaga oo dadkaasi booliiska u sheegay ay arkayaan haweenay ay rag badani wadajir u garaacayaan.

mjhu

Luul waxaa lagu sameeyay qaliin , waxaase wajiga kasoo gaadhay dhaawac xun, waxa ay sheegtay in ay ka cabsaneyso in ay  gurigeedii ku noqoto inta ragan dilay lasoo xidhayo.

Luul ayaa sheegtey in ay garaneyso laba ka mid ah ragan, inta kale se aanay hore u arag, waxa ay sidoo kale saxaafada u sheegtay in labada nin mid kamid ah reerkoodu lasoo xidhiidheen si arinka loo daboolo.

Balse saxaada oo waydiisay  booliiska waxa ay kayeelayaan arintan ayey u sheegeen in arinkan aaney dhayalsan doonin balse ay talaabo dhakhso ah oo dhanka shariciga ah ay marin doonaan raga falkan ka dambeeyey, waxaaney sheegeen in ay durba bilaabeen baadhitaano degdeg ah.

Goobta dhacdadni ka dhacdey ayaa kutaal xaafada Højbjerg ee koonfurta magaalada Aarhus.

Warbixinta waxaa qoray wargeyska extra baladet

Waxaana Tarjuntay Radio Hormuud.

Category