Abdirizak waa la mastaafurinayaa

 Iyada oo ay wali socoto Soomaalida  lagala noqonayo sharciyada ee loo sheegayo in ay ka baxaan dalka Denmark, ayaa waxaanu  idinla wadaageynaa waxbixin uu wargeyska JV.dk ka qoryey nin Soomaaliya oo sharcigii lagala noqdey .

 

 

RH. Kolding: Maskax ahaan sida uu cabdirasaaq sheegey wuu dhintay, mudo sannad ah ayuu ku noolaa warwar iyo walbahaar maadaama oo uu sugayey jawaabta kama dambeysta ah ee go'aanka laga gaadhayo, Jawaabtii ayaa hada u timid waxaaney noqotey . WAA IN AAD SOOMAALIYA KU NOQOTAA .

 Nolosheydu waa halkan laakiin ma nooli ayuu wargeyska u sheegay Abdi Rizak Ismael oo 27 jir ah.

Waxa uu kudhashey kuna sookorey Soomaaliya , sannadkii 2014 kii ayuu ka soo qaxey dagaal iyo jidhdil waxaanu ku soo dhamaadey Denmark  intaas kadib waxaa lasiiyey magangalyo iyo  sharci dal kujoog (ciqaamad) .

Sida uu laqabo soomaali badan hadda waa lagala noqdey deganaanshihii.

Fariintan markii u horeysay waxa uu helay bishii Nofembar 2017 kii, waxa uu xilligaas warqad kahelay hay'ada agaasinka ajanabiga ee Denmark ( Udlændigestyresen) waxaa warqadaas ku qornaa sidan:-

'' Waxaanu go'aaminey in ciqaamada deganaanshiiyaha lagaala noqdo''

Inkasta oo uu yaqiinsadey go'aanka laga gaadhey hadana waxa uu dareemayaa in aanu waxba la nooleyn tan iyo maallintii fariintaas loo keenay oo hada laga joogo sannad iyo saddexbilood.

''Waxyaabo badan ayaan ku fikirey, dagaal iyo jidhdil ayaan ka soo qaxey, lakiin sannadkii hore maskixiyan waan dhintay maadama oo aan ku jiray xaalad hubaal la'aan ah''

ayuu wariyaha u sheegay  Abdi Rizak Ismail oo afdenish jajab ah ku hadlaya marka ay ku adkaatana afsoomaali kudaraya , gudoomiyaha ururka soomaalida ee Esbjerg  Ali Macow ayaa markaas denish ku fasiraya inta isaga ku adkaata .

vgt

Foto: Martin Ravn

Saddexdii sanno ee udambeeyay Abdi Rizak Ismael waxa uu ka shaqeynayey warshad rinjiga sameysa oo ku taal Esbjerg, waa shaqo uu aad ugu faraxsanaa , dhamaan dadka la shaqeeyaana way jeclaayeen,  '' Waxa uu xitaa soo shaqo tagey isaga oo suxulka ka jabay'' ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii ay wada shaqeyn jireen.

Wakhtigiisa firaaqada ah waxa uu yimaada ururka soomaalida si uu ucaawiyo caruurta da'doodu udhaxeyso 10 ilaa12 sanno.

Abdirazak aad buu ugu faraxsanaa magaaladan dabeysha badan ee isaga ugu deeqday, Shaqo ,aqoon-korodhsi, saaxiibo cusub, jacayl iyo waliba liisanka baabuurka.

 Iskii in uu dalka Denmark uga baxo.

Bishiii Febraayo Abdi Rizak Ismael waxa uu lakulmay dawlada hoose ee degmadiisa, waxaaney  ka wada hadleen goorta iyo sidii uu  dalkiisii ugu laaban lahaa.

Abdi Rizak Ismaeil waxa uu doortey in uu iskii ugu laabto Soomaaliya .

Hadii aanu taas yeellin waxaa u furan in uu dhuumasho iyo qaab sharci daro ah ku joogo ama uu tago kaamka lagu sugo cellinta  , taasna wali kumuu fikirin Abdi Rizak Ismaeil .

Dhib igu filan wuu isoo maray ,fikir iyo walbahaarna wuu idaashadey markaa kuma sii jirikaro baxsi iyo dhuumaaleysi,  waxaan doortey in aan iskay ugu laabto dalkii Soomaaliya oo aan xaaladiisu wanaagsaneyn khatarna aan ku gallikaro ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

 

source. jv.dk

Tarjumaada iyo isku dubaridka : Maxamed-amiin Siyaad Cabdi

Category