Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland  Oo ka Waramay Karantiil Uu Sheegay inuu Is-galiyey 14-cisho

Hargeysa(RH)Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa markii ugu horeysay ka hadley  karantiil uu sheegay inuu isgaliyey muddo 14-cisho ah .

Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac  waxaa uu sheegay isaga oo ka duulaya go’aankii guddida in uu isagu si iskii ah isu karantiiley, maada uu soo maray garoono diyaaradeed oo mashquul badan ka dib mar kuu ka soo laabtey Safar mudo qaatey oo uu ku Tagay Dalka ingiriiska 

Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland  waxaa uu yidhi “Maaada aan ka soo dhoofay madaar mashquul badan, oo kuwana ay soo galayeen kuwana soo baxayeen, oo aan isna muddo dhawr saacadooda joogay garoonka diyaaradaha ee dalka Itoobiya oo isna ah mid mashquul badan, waxaan go’aansaday adduun weynahana laga shaacinayay oo laga sheegayay in qofku meelaha xannuunkaasi ka jiro hadii uu ka yimado ama dalalka uu xannuunkani ka dilaacay dadkii joogey lagu yidhi jooga guryihiina, ana waxaan go’aansaday in aan gurigeyga joogo muddo 14 cisho ah oo aan dhaq-dhaqaaqin, oo aanan bulshada u soo bixin, oo aanan iman xafiiskii aan ka shaqeynayay, qofkasta oo muwaadin ahna waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta caafimaadkiisa, bulshadiisa, diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa anoo taasi ka duulaya ayaan gurigeyga galay”

 

Category