Afar qof oo loo maleenayo in ay qabaan cudurka Ebola oo lagu arkay Kenya

Nairobi (RH)-Waxaa sii kordhaya dadka looga shakisan yahay in ay qabaan xanuunka Ebola dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa maanta oo Isniin ah baahisay in illaa afar qof loo kaaran tiilay cudurka Ebola, waxaana dadkaas kamid ah haweeney la sheegay in ka soo safartey dalka Uganda gaar ahaan Busia.

Haweeneydan ayaa hadda lagu hayaa isbitaal ku yaalla Kericho, halkaasoo lagu karantiilayo.

Haweeneydan ayaa la sheegay in lagu arkay astaamo ay ka mid tahay madax xanuun iyo shuban.

Hey'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa khubro u dirtay Kericho si u soo baaraan dadka uu ku dhacay cudurka.

Uganda ayaa sara u qaaday digniinaha cudurka Ebola kaddib markii saddex qof ay ugu dhinteen toddobaadkii horre oo ay ka mid tahay ilmo yer.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category