Akhriso: Taariikhnololeedka Prof Cabdalla Cumar Mansuur

Muqdisho (RH)-Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur (oo dhashay hilaaddii 1944) takhasuskiisu waa cilmi-afeedka iyo dhaqanka, wuxuu bare sare ka ahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (JUS) muddadii u dhexaysay 1976-1990, gaar ahaan maaddada Afafka Kushitigga ayuu ka dhigayay Kulliyaddii Afafka. Isla muddadaas wuxuu madax ka ahaa Waaxdii Af Talyaaniga ee JUS, halkaas oo ardayda jaamacadda soo gasha oo idil lagu diyaarin jiray inta aysan kulliyadaha kaladuwan u kala gudbin. Wixii ka dambeeyay 1990kii dalka Talyaaniga ayuu u wareegey, halkaas ayuuna ka sii waday cilmibaaristii Soomaalida, isaga oo la shaqaynaaya aqoonyahannadil ay horay u wada hayeen hawshaas, ilaa haatanna sidii ayay u wada shaqeeyaan. 
Waxa uu xubin firfircoon ka yahay Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Roma, isaga oo ka wada mashruuca Kaydka Soomaaliyeed (“Archivio Somalia”). 
Jaamacadda Roma Tre (“Universit degli Studi Roma Tre”) ayuu dhawr iyo toban sano ka ahaa bare sare oo dhiga afafka Carabiga lyo Soomaaliga.
Barafasoor Cabdalla, waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo faro badan oo ku saabsan afka, dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida. Buugaagtiisa waxaa ugu door roon:
1. Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed (1977, 2021)
2. Afafka Bahda Kushitigga iyo taariikhda Af Soomaaliga, (1981)
3. Qaamuus (vocabolario) Af Talyaani-Soomaali iyo (Naxwaha af-Talyaaniga oo kooban), (ladiyaariye) Axmed Cabdullaahi Axmed, (1985)
4. Le lingue Cuscitiche e il Somalo, Studi Somali N.8, (1988)
5. Barashada Naxwaha Af Soomaaliga, (laqore) Barafasoor Annarita Puglielli, (1999, 2017)
6. Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed (2009, 2016)
7. Qaamuuska Af Soomaaliga, (ladiyaariye) Baraf. Annarita Puglielli, (2012)
8. Qaamuusdugsiyeedka Af Soomaaliga (Iyo Naxwaha Af Soomaaliga oo Kooban), (ladiyaariye) Baraf. Annarita Puglielli, (2022)
9. Seeska Naxwaha Af Soomaaliga, (ladiyaariye, Idiris M. Cali, (2022)
10. Habqoraalka Af Soomaaliga Guud: Midayn, Horumarin iyo Casriyayn (2024)
Waxa uu hadda (June, 2024) ku nool yahay magaalada Muqdisho, Soomaaliya, isaga oo ah Guddoomiyaha Akademiye-Goboleedka Af Soomaaliga ee AGA.

W/Q:Prof Cabdalla Cumar Mansuur

Category