Al-Shabaab oo saddex qof ku dishay Baardheere

Baardheere (RH)-Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in xalay saddex qof lagu dilay magaalada kadib markii habeenimadii guryahooda lagala baxay.

Saddexdan qof ee la dilay ayaa laba ka mid ah waxay guddoomiyeyaal ka ahaayeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.

Mid kamid ah raggaasi ayaa la gawracay, halka labada kalena xabbad lagu dilay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay mas’uliiyadda dilka, waxayna intaas ku dartay in saddexda qof ee ay dileen “ay ahaayeen guddomiye waaxeedyo.”

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka magaalada, waxaana dadka magaalada ay ka muujiyeen dilkaa argagax.

Category