Al-Shabaab oo sheegatay dilka xildhibaan ka tirsanaa Hirshabelle

Muqdisho (RH)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo la yiraahdo Maxamed Maxamuud Siyaad (Huurshe).

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu saarnnaa gaari nooca dadweynaha oo marayay wadadda u dhexeysa magaalooyinka Jawhar iyo Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in lagu dilay deeganka Gololey oo u dhow degmada Balcad, kaddib markii ay kala dageyn gaarigii uu la socday.

Baraha Internetka ee taageera Al-Shabaab ayaa la soo dhigay warka ku saabsan in xildhibaanka la dilay.

Saaka illaa maanta duhurkii waxaa magaalada Jowhar laga hadal hayay in xildhibaanka uu maqan yahay.

Xildhibaanka la dilay ayaa horrey u ahaa nabadoon caan ka ah gobalka Shabeellaha Dhexe.

Horrey ayaa xildhibaanno ka tiran maamulka Hirshabeelle loogu dilay wadaddaas, waana mid ka mid ah wadooyinka ugu khatarta badan marka laga hadlayo wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category