Al-Shabaab oo weerarray Baarsanguuni

Muqdisho (RH)-Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii weerarray saldhig ciidamada dowladda ay ku lee yihiin Degmada Baarsanguuni oo duleedka magaalada Kismaayo.

Inta la ogyahay 10 qof oo u badan askartii ku sugnaa saldhigga la weerarray ayaa ku dhintay tiro kale oo badan waa ay ku dhaawacmeen sida warar madax bannaan ay sheegayaan.

Xaaladda Baarsanguuni ayaa hadda deggan, waxaana saaka ka dhacay dagaal ku billowday weerar loo adeesaday baabuur laga soo buuxiyey wax yaabaha qarxa, dabadeedna waxaa xigay dagaal toos ah oo ka dhacay gudaha saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Afhayeenka Al-Shabaab ee dhinaca howgalada Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ka badan 27 askartii ku sugnaa Baarsanguuni in ay dileen.

Al-Shabaab ayaa muddo 7 sanno ku sugnaa Baarsanguuni, laakin bishii May ee sannadkan ayaa lagala wareegay markii ciidamo Soomaali ah iyo kuwa ajnebi ah ay weerarreen.

Ma jirto warar madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category