Al-Shabaab oo Weerartay Xero Millitari oo ku taalla G/Shabeellaha Hoose

Muqdisho (RH)-Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday xero ciidamada millitariga Soomaaliya ay ku lahaayeen deeganka Ceel Saliini.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay maqleen qarax kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo muddo socday.

Illaa hadda ma jirto ilo madax bannaan oo xaqiijinaya qasaaraha ka dhashay dagaalka 

Labada dhinac ayaa sheegtay mid kasta guul inuu ka gaaray dagaalka ka dhacay saaka deeganka Ceel Saliin.

War lagu qoray wakaaladda dowladda u faafisa ee SONNA, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday saaka,isla markaana ay dileen tiro ka tirsan Al-Shabaab, laakin Al-Shabaab ayaa warkaas mid ka beddalan sheegay in waxaana ay sheegeen weerarkaas in ay ku dileen 23 askari isla markaana ay xerada qabsadeen iyagagoo sidoo sheegay gaadid iyo saanad hub ay ka qaateen halkaas.

Deeganka Ceel Saliini ayaa u dhexeeya deeganka lambar 50 iyo dhadhaane oo kawada tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Deeganka Ceel Saliini ayaa hadda deggan, waxaana ku sugan ciidamada dowladda, ma jirto qasaaro soo gaaray dadka shacabka ee halkaas ku sugan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category