Aqalka Sare ee Soomaaliya oo xallinaya khilaafka u dhexeeya madaxda DFS iyo maamul goballeedyada

Muqdisho (RH)- Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wafti u diri doonaan maamul goballeedyada si ay u soo darsaan xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee halkaas ka jirta, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka soo baxay aqalkaas maanta oo Arbaca ah.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aqalka booqashasdooda xarrumaha maamul goballeedyada ay la xiriirto sidii ay u soo ogaan lahaayeen xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

War-saxaafadeed ka soo baxay aqalka sare ayaa lagu baaqay in la joojiyo mooshinada ka dhanka ah madaxda maamul goballeedyada, isla markaana la xalliyo khilaafka udhexeeya madaxda labada dhinac.

Aqalka sare ayaa sidoo kale madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada ugu baaqay in ay ka fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara khilaafka siyaasadeed.

Madaxda maamul goballeedyada ayaa dhawaan shir ka dhacay Kismaayo uga dhawaaqay in ay xiriirka u jareen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana arrintaas ay saameen ku yeelatay madaxda maamul goballeedyada oo hadda ku kala qeybsamay qodobbadii ka soo baxay shirkii Kismaayo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category