Awooda Ciidamada Tigrega.

 Dagaalka dowladda federaalka Ethiopia iyo gobolka Tigray ayaa galay maalintii saddexaad inkasta oo weli si xooggan uusan u socon.

Diyaaradaha dagaalka dowladda waxay xalay duqeeyeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, ayaga oo beegsaday bartilmaameedyo aan illaa iyo hadda la ogeyn.

Diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaasha siyaasadda gobolka Geeska Afrika, ayaa rumeysan in dagaalkan uu noqon doono mid uusan si sahal ugu guuleysan Abiy Ahmed, sababtoo ah gobolka Tigray-ga, inkasta oo uu yahay mid ka mid ah gobolllada ugu dadka yar dalka, haddana waa mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ciidan ahaan.

Isaga oo la hadlayey taleefishinka Tigray, ayaa madaxweynaha gobolka Debretsion Gebremichael waxa uu yiri “Tigrayga waxay haystaan awood ay ku burburiyaan cadowga fog iyo kuwa soke, iyo kuwa ku istaagga nabadda ee dagaalka ku iclaamiya dadka Tigrayga.”

Hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa sheegtay in marka la isku daro militariga, ciidamada sida militari ahaanta u tababaran iyo maleeshiyada, uu gobolka Tigray haysto 250,000 oo askari.

Waxaa intaas dheer in hoggaanka gobolka ee ay is-hayaan Abiy Ahmed ay haystaan taageerada buuxda ee shacabka gobolka oo dhan lix milyan oo qof, oo diyaar u ah inay u dagaalamaan.

Sidoo kale, Taliska Waqooyi ee ciidamada federaalka Ethiopia, oo fadhiggoodu yahay gobolka Tigray, ayaa haysta nus ka mid ah dhammaan ciidanka dowladda, islamarkaana hoggaankooda waa saraakiil Tigray ah.

Tigray ayaa ah gobol ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan aad u hormaray muddaadkii ka badneyda 20-ka sano ee uu dalka hoggaaminayey Meles Zenawi oo Tigray ahaa, ayaga oo ka faa’iideystay kheyraadka dalka ee ay gacanta ku hayeen.

Sidaas darteed, ICG waxay sheegtay in dagaalka uu noqon doono mid lagu hoobto oo ay adkaan doonto in lagu kala adkaado.

Category