Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi Oo Eedo Culus  U Jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(RH)Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Maroodi-jeex ayaa si culus oo adag uga hadlay xaaladda dalku maanta marayo isaga oo dhaliilo culus u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kana hadlay arrimo badan oo uu Boqorku baaq ka diray.

 

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi waxaa uu yidhi: “Umadda Somaliland waxaanu sheegayaa in maanta sida wax loo wadaa aanay si munaasab ah aanay ahayn. Wixii dhacay waad og tihiin. Waxa taagan waad aragtaan iyo sida wax u socdaan. Waxaad ogtihiin in aanu dalkii gacanta innoogu jirin ee tababarro ka socdaan oo cido kale wax waddo. Kutladdii meesha qabsatay in ay xaafadland ka dhigeen waddankii. Waxaan leenahay Xaafad-land haloo sheego dadka. Dadka intiisa kale waxaanu ku baraarujinaynaa in ay tashadaan oo ay dalkooda u taliyaan. In ay sida imika wax yihiin ay ka baddalaan wax oo aanay macquul ahayn Madaxtooyada ayaan raranayaa. Maaliyadda waxaan keensanayaa inaadeerkay. Maxkamadda waxaan keensanayaa inaadeerkay. Ciidankana waxaan u dhiibanayaa inaadeerkay. Ku socon maayo dalku wax walba waxaan u dhiibanayaa inaadeerkay.

Meel walba ilmaadeeraday baan u dhiibanayaa, xaafadda ilmaadeeraday baa leh magaalada ilmaadeeraday baan leh madaxtooyadana waxaan u raranayaa xaafadayadii adeer waxaasi socon mayso. Dadka iyo umadda reer Somaliland waxaan u sheegaynaa in aanay waxaasi ahayn wax soconaya marnaba. Hargeysa waxa ay leedahay Madaxtooyo. Waxa ay leedahay Gurigii State House ka la odhan jiray iyo Hargeysaba cidda baloodhaysatay waanu naqaanaa oo dibbaanu ka soo sheegi doonaa sida ay uga kala qaataan kirada iyo cidda la dejiyey. cid kasta oo hantida umadda maydhaantay waxaanu u sheegaynaa intii Siilaanyo hayay iyo inta imikaba in laga daba tagi doono oo ay dhamaantood xaaraan tahay waxa lagu bixiyay. Umadda waxaasi uma cuntamayaan oo ma soconayaan. Berbera in labada xaafadood qaybsadaan waxaanu ka yeelayno maaha.

 

Dalkeenii maanta sida uu u socdaa si la aqbali karo ma aha. Umaddana waxaanu u sheegaynaa in ay ku baraarugaan in dalkoodii ay hoos u eegaan maanta. Nabad-galyadooda ilaashadaan. Wada jirkooda ilaashadaan oo nooca wax loo wado aanay aqbalin. Inta uu halka isa soo taago in uu yidhaa inaadeerkay baa wax walba ii fulinaya. Inanka yar ee sida gofahana u naaxay ee halka isa soo taagay ee lahaa haddii aanu wadada madaarka samayno gurigooda ayaa qaaliyoobi doona oo 30-kun noqon doona imika tobanka kun ah. Waxaasi ma wax la qaataa. Dadka reer Somaliland ee danaynaya ee aan waxaa shuraako la ahayn in ay tashadaan oo ay aqbalaan xisbiyadu waxa ay soo jeediyeen”.

 

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Xaafaddan Maxamed Mooge dadkii u kacay ee cashuurtoodii la cunay oo cashuurtoodii guryaha lagu dhisanayo ee yidhi waxaanu samaysanaynaa maamul oo jeelasha ku jira oo durba lagu ilaaway. Waxaanu leenahay bilaa shuruud halagu soo daayo. Dadka kale ee toban tobanka sano lagu xukumay ee reernimada loo xukumay ee cadaawadda loo xukumay ha helaan xorriyadooda. Waxa la ii sheegayay saxaafadda in la bartilmaameedsaday waxaanu leenahay wax la aqbali karo ma aha.

Haddii ay dhulka madaarka tahay iyo ay meelo kale tahayba. Waxa la ii soo sheegayay Madaarka inankii yaraa ee joogay in isagana laga eryey oo loogu sheekeeyey wax aan caruurta loogu sheekayn. Madaarka dadkii laga qaaday dhulkooda bannaan oo ahaa dhawr iyo toddobaatan qof. Waxaan leeyahay dhulkoodii haloo celiyo. Dadku xaq bay u leeyihiin in ay dhulkoodii helaan. Waanan ku garab taaganahay annaga ayaana hor galayna”. Ayuu yidhi Boqor Raabi.

 

 

Category