Cabdilaahi Dool oo u waramey wargeys ka soo baxa dalka Israel.

Cabdullaahi Dool oo ah nin soomaaliya oo u shaqeynjiray wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa dhawaan shaqada laga eryay markii la sheegay in uu qoraal uu tweterka soo dhigay ku sheegay in ay haboontahay in  Soomaaliya ay xidhiidh la yeelato dawlada Israel.

Hadaba waxa ay warar kaaq sheegayaan in uu hada Soomaaliya ka cararay isaga oo naftiisa u baqanaya.

Wareysi uu siiyey wargeyska Times of Israel ayuu ku sheegay in weli uu aaminsan yahay xidhiidh dhex mara Soomaaliya iyo Israel, wuxuuna dalbaday in dowladda Soomaaliya ay cudur-daar ka bixiso erigiisa.

“Waxaan aad u taageerayaa in dalkayga  xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesho Israel. Waxaan ogahay in dad badan ay sidoo kale arrintan ila qabaan. Waxaan sidoo oo kale is-weydiinayaan waxa ay waqti badan u qaadatay” ayuu Cabdullaahi Dool ku yiri wareysiga uu siiyey wargeyska kasoo baxa dalka Yuhuuda.

Wareysigan ayaa sida la sheegay lagu qaaday WhatsApp iyo Email ayada oo aan la sheegin halka uu joogo Cabdullaahi Dool, sababo amni dartood.

“Israel waxay saameyn weyn ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri Cabdullaahi Dool, oo ahaan jiray agaasimada wasaaradda arrimaha dibedda.

“Waxaan rumeysanahay in xidhiidh lala yeesho Israel ay dan u tahay labada dal. Mid ka mid ah sababaha aan u doonayo in xidhiidh uu na dhex-maro anaga iyo Israel ayaa ah inay naga caawin karto la-dagaalanka argagixisada” ayuu yiri Cabdullaahi Dool.

“Waxay ahayd arrin soo daahday. aas-aaska xidhiidh diblomaasi oo dhex mara labada dhinac, cidna dhib uma gaysanayso, balse waxay sare u qaadaysaa nabadda iyo wada-shaqeynta” ayuu yidhi Cabdullaahi Dool.

“Waxaan rumeysanahay in Israel ay naga caawin karto dhameynta rabshdaha dalkeena ka socda, Israel waxay noo furi kartaa albaabo badan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay dunida. Waxaan aaminsanahay in xidhiidh aan la yeelano Israel ay ahayd in mar hore la aas-aaso” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay.

Soomaaliya iyo Israel weligood xiriir ma yeelan. Villa Somalia ayaa markii la eryey Cabdullaahi Dool sheegtay inay Sooomaaliya iyo Israel aanu marnaba  xidhiidh dhex-mari doonin inta Israel ay haysato dhulka Falastiiniyiinta.

Category