Ciidamo fara badan oo lagu soo daadiyay Muqdisho iyo cabsi la xiriirta banaanbaxyo dhaca

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo daadiyay ciidamo fara badan oo boolis ah kuwaasoo wata gaadidka dagaalka, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada laga abaabulayay bannaabax weyn oo ka dhaca magaalada maanta oo bisha April ay ku beegan tahay 18.

Ciidamada ayaa lagu daadiyay isgoyada muhiimka ah iyo wadooyinka caasimadda, si ay uga hortagaan bannaanbaxyo rabshado wata oo magaalada ka dhaca waxaana ka muuqda foyijignaan.

Taliyaha booliska Soomaaliya, Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay inay soo gaarayaan farriimo uga immaanaya ganacsatada magaalada kuwaasoo ka cabanaya in laga burburiyo hantidooda marka ay magaalada ka dhacaan bannaanbaxyo.

Taliyaha ayaa sheegay haddii bannaabaxyo la dhigayo ay lee yihiin sharciyo loo maro balse ay diidan yihiin bannaabaxyo sharciyo aan wadan ama la rabo in rabshado lagu kiciyo.

Isku socodka gaadidka iyo ganacsiga magaalada ayaa saameen ku yeeshay arrintan in kastoo wadooyinka iyo ganacsiga magaalada ay caadi yihiin.

Culimada, haweenka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka digay bannaanbaxyo rabshado wata oo lagu dhigo magaalada Muqdisho, dhinaca kale dadka bannaanbaxyada ayaa sheegaya in ay ka soo horjeedaan dilalka loo geesanayo dhallinyarada gaar ahaan darawalada gaadidka loo yaqaanno bajaajka.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana weli xiran qaar badan oo ka mid ah wadooyinka caasimadda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category