Coronavirus: AMISOM oo xayiraad ku soo rogtay xeradeedii ugu waynayd ee Soomaaliya

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa xaddiday dhammaan galitaanka iyo ka bixitaanka xerada milateriga ee Xalane ee magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa waxa ay sheegtay in xerada ay xayiraadda saarnaan doonto muddo 30 cisha cudurka coronavirus awadii.

Bayaan uu soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo oo uusan faafahin cudurka coronavirus ee safmarka ah, sidoo kalana loo dhowro caafimaadka iyo badqabka dadka deggan xeradaas iyo kuwa soo booqanayaba, ayaa AMISOM waxa ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee 29-ka bishan Maarso.

Tallaabadaas ayaa dib loo eegi doonaa haddii ay baahi kale soo baxdo.

Xayiraaddaas waxaa ay sababaysaa in la joojiyo dhammaan howlihii dhismaha, dhaqdhaqaaqa gawaarida saadka iyo howlaha kale ee ganacsi ee xerada, iyo weliba dukaamada iyo aagga gawaarida lagu dhaqdo.

Bayaanka ayaa dhanka kale lagu sheegay in kooxaha bixiya adeegyada asaasiga ah iyadoo la eegaya kiis kiis iyo xaaladahooda gaarka ah loo ogolaan doono inay soo galaan xerada.

Jimcihii ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka waxa ay xaqiijiyeen in kiiskii saddexaad ee coronavirus laga helay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada milateriga ee Xalane.

Qofka xanuunkan laga helay ayaa lagu sheegay inuu yahay ajnabi la shaqeynayay hay'adaha Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xanuunkan ay si adag ula tacaalayso ayna qaadday dhammaan tallaabooyinkii diyaargarowga iyo qaabkii loo xakamayn lahaaba.

isha warka : BBC

Category