Coronavirus: Magaalo dadka kuu dhimanaya ay ka badan yihiin tirada waddamo badan

Ma ahan oo kaliya fagaareyaal maran iyo Isbitaallo buux dhaafay. Magaalada Guayaquil, oo ah magaalada ugu dadka badan dalka Ecuador ayaa dadka uu soo ritay cudurka Covid-19 waxa ay ku dhimanayaan waddooyinka, waxaana maalmo qaato in meydadka dadka ku dhintay guryahooga ee sababsaday cudurkaasi la daad-gureeyo.

Gobolka Guayas waxaa tan iyo kowdii bishan Abriil cudurkaasi u dhintay dad ka badan kuwii ku dhintay ama uu ku dhacay cudurkan waddaamda Latin Ameeika oo tiradoodu ay tahay 60 qof oo dhimasho ah iyo 1, 937 qof oo kale oo la xaqiijiyay in uu soo ritay.

Magaalada Guayaquil oo kaliya oo caasimad u ah gobolkaasi ayaa waxaa ku nool ku dhawaad 70% dadka uu cudurkaasi ku dhacay guud ahaan dalkaasi. Waxa ayna ka mid tahay magaalooyinka caalamka ee uu sida ba'an u aafeeyay cudurkan.

Dadka iyaga oo aan cudurka laga baarin u dhintay marnaba qeyb kama ahan tiradan.

Waddanka Ecuador ayaa kaalinta saddexaad kaga jira waddamada Latin Ameerika marka la eego tirada dadka uu cudurkani ku dhacay, waxaana ka horreeya waddamada Brazil iyo Chile, balse marka la eego tirada dadka cudurkaasi u dhintay waxa uu noqonayaa dalka ugu dhimashada badan.

Goobaha meydadka la dhigo ee ku yaal magaaladaasi ma xamili karaan tirada meydadka maalin waliba soo gaaraya.

Xaaladda ayaa gaartay heer madaxweyne Lenín Moreno uu sameeyo guddi gaar ah oo shaqadiisu tahay uruurinta meydadka iyo aaskooda.

"Adeerkey Segundo ayaa dhintay 28-kii bishii Maarso, mana aysan jirin cid na caawisay." Ayay tiri Jésica Castañeda, oo ka mid ah 2.5 milyan ee qof ee ku nool magaaladani oo qiyaastii 600km koonfur ka xigto caasimadda dalkaasi ee Quito.

"Isbitaalladu ma lahan sariiro ku filan, sidaa awgeed waxa uu ku dhintay guriga. Waxa aynu wacnay adeegga gurmadka deg degga ahi, waxayna noo sheegeen in aan dul qaadanno oo aan sugno. Meydkiisa wali waxa uu saaran yahay sariirtii uu ku dhintay oo wali ma aanan taaban."

Ma ahan oo kaliya bukaannada u dhintay cudurka Coronavirus kuwa aan wax gurmad ah ka helayn adeegga gurmadka deg degga ee magaaladaasi.

"Nin dariskeyga ahi ayaa soo dhacay waxa uuna dhaawac ka gaaray madaxa. Waxaan wacay lambarka 911 ee adeegga gurmadka deg degga ahi, balse cidna iima soo gurman," ayuu yiri Wendy Noboa, oo ku nool woqooyiga magaaladaasi.

Gorky Pazmiño oo 96 ahaa oo deris la haa Wendy Noboa ayaa shil ku dhintay 29-kii bishii Maarso.

"MeydiikiIsa ayaa bannaanka yiillay maalin dhan ilaa iyo inta xubnaha qoyskiisa ay ka qaateen. Balse ma aysan awoodin in ay aasaan waayo waxay waayeen dhakhtar u saxiixa waraaqda caddeynayso geeridiisa si ay u aastaan."

'ilaa iyo 72 saacadood'

Dadka deegaanka ayaa adeegsanaya baraha xiriirka bulshada in ay ku shaaciyaan macluumaadka la xiriira dadka waddooyinka ugu dhintay cudurkan.

Muqaal maalmo dhawayd lagu faafiyay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinyay nin ku naf baxay bannaanka hore ee Isbitaal ku yaalla magaaladaasi iyo dad dibad-baxyo dhigaya oo doonaya in dadka guryaha ku dhintay meydadkooga la soo daad-gureeyo.

"Seygayga ayaa tagay goob khudaarta lagu iibiyo waxa uuna halkaasi kula kulmay qof meyd ah oo yaalla bartamaha jidka. Sidoo kale waxaa loo sheegay in meyd kale uu yaalo meel aan halkaasi ka fogeyn," ayay tiri Jésica Zambrano, oo ah weriye la shaqeysa wargeyska maalinlaha ah ee El Telégrafo oo ka soo baxa Guayaquil.

"Halkan waxaan horey u arki jirnay dadka darbiyada jiifa, balse haatan waxaan aragnaa meydadka dadkaasi oo daadsan bartamaha magaalada."

Bukaannada ku dhintay guryahooda ayaa aad u tiro badan, waxa ayna cadaadis ku hayaan xarumaha caafimaadka ee dowladda.

Isbitaallada oo haatanba buux dhaafay ayaan qaabili karin bukaanno hor leh.

"Dadka magaaladani Guayaquil ayaa wajahaya xaalad adag, qaarkood waxay ku qaadataa 72 saacadood si mas'uuliyiintu ay u qaadaan meydadka," ayuu yiri Blanca Moncada, oo ah suxufi la shaqeeyo wargeyska Expreso.

Usbuucii ugu dambeeyay ee bishii Maarso ayaa in kabadan 300 oo qof waxay cudurro kala geddisan ugu dhinteen guryhooga, waxaana meydadkooga markii dambe daabulay ciidamada booliska. Ilaa haatan 115 meyd ayuu qorshaha yahay in laga soo qaado guryaha ay ku kala dhinteen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaasi ee EFE.

  • Dowladdu waxay tan iyo labadii bishan ay xaqiijisay 98 dhimasho ah iyo 2,758 xaaladood oo cudurkaasi ah.
  • Waa waddanka saddexaad ee ugu badan cudurkan guud ahaan waddamada Latin Ameerika, waxaana ka horreeya waddaamda Brazil iyo Chile.
  • Dhimasho marka la yirahdo, dalkaasi waxa uu ku xigaa waddanka Panama.
  • Gobolka Guayas ayaa ah gobolka uu aadka u saameeyay cudurkaasi, waxaana ilaa haatan la xaqiijiyay in gobolkaasi uu cudurka soo ritay in kabadan 70% marka loo eego tirada guud ee dalka.

Image removed.

In meydadka la uruuriyo waxaa sii adkeynaya Bandow 15 saacadood ah oo maalin kastaa billaabanaya labada duhurnimo.

Darwin Jarrín oo ah taliyaha ciidamada militariga dalkaasi ayaa dowladda u qaabilsan la tacaalidda cudurkaasi ee gobolka, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaadka usbuucan la aasi doono dhammaan meydadka.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi ayaa sheegeysa in muran siyaasadeed uu ka dhashay sidii loola tacaali lahaa tirada sii kordheyso ee dadka u dhimanaya cudurkan.

Duqa magaalada Guayaquil, Cyntia Viteri (oo hadda karantiil ku jirta ka dib markii cudurka laga helay), ayaa dowladda dhexe ku eedeysay burburka ku yimid hannaanka daryeelka caafiamad ee dalkaasi.

"Meydadka ayay uga tagayaan waddoonka, dadku waxay ku dhimanayaan bannaanka hore ee cusbitaalalda. Ma jiro qof doonaya in uu meyd meel ka qaado. Haddaba maxaa ku dhici doona dadkayaga xanuunsan? Dadku waa in ay albaabada ku garaacaan cusbitaallada sariir la'aan awgeed aan bukaan cusub qaabilayn," ayay tiri Cyntia Viteri.

Muranka xabaal-wadareedka

Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa si deg deg ah uga jawaabay halista caafimaad ee dalka soo wajahday ka dib markii dalakaasi laga helay qofkii ugu horreeyay ee uu soo ritay cudurka.

"Marnaba ma beenin karno waxa jira, waa arrin halis ah," ayuu yiri Juan Carlos Zevallos oo ah wasiirka caafimaadka dalkaasi.

"Balse waa in aan caddeyno in aanu ka mid nahay waddamadii ugu horreeyay qaaraddan ee soo rogo tallaabooyin looga hortagayo faafitaanka cudurkan."

Zevallos waxa uu sheegay in eedeymaha qaar ee ka dhanka ah dowladda aysan ahayn kuwo la qaadan karayo.

Dowlada gobolka Guayas ayaa soo jeedisay in dadka u dhintay cudurkan lagu aaso xabaal wadareedyo, balse arrintaasi ayay markiiba ka laabatay.

Waxaana khubaradu ay sheegayaan in dadka magaalada Guayaquil aysan aqbali karin in eheladoodu lagu aaso xabaal wadareed, sababo la xiriira diimahooga.

Jorge Wated waa madaxa guddi qaran oo uu soo magacaabay madaxweyne Moreno oo ujeedadiisu tahay sidii loo uruurin lahaa meydadka daadsan guryaha iyo Isbitaallada. Waxa uu sheegay in uusan aqbali karin in la yirahdo dadku waxaa lagu aasayaa xabaal wadareedyo.

Noolol cabsi ah

Dhibaatadu waxaa qeyb ka ah goobaha lagu keydiyo meydadka oo diidan in ay qaabilaan meydadka sabaobo la xiriira cabsi ay ka qabaan cudurkan.

Dadka qaar waxay sheegayaan in loo baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah oo arrintan xal loogu raadiyo.

Ernesto Torres oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha caafimaadka dad weynaha ayaa rumeysan in cudurkani ay tahay in bulshada laga qeyb geliyo la dagaalanka cudurkani.

In kabadan 17% dadka ku nool magaaladani Guayaquil ayaa ah dad sabool ah. Waxaana aad u badan sinnaan la'aanta dadka, gaar ahaanna arrimaha bulshada.

Balse mas'uuliyiinta qaar waxay rumeysan yihiin in arrintani oo kaliya aysan ahayn dhibaatada, sidaa awgeedna xitaa deegaananda kale ay wajihi karaan xaalado la mid ah tan halkan ka jirto, waa haddii uu cudurkan si ba'an u faafo.

isha warakan. BBC

Category