Covid-19: Denmark shaci cusub oo dhaqan gallidoona 29.Okt.20

Denmark: Waxaa maanta ay xad aan hore loo arag gaadhey dadka uu ku dhaceyo Covid-19 hal maallin gudaheed  wadanka Denmark tiradaas oo ah 859 qof,

Sidaasi awgeed  ayey saacad ka hor ay shir jaraaid qabatey raisal wasaarada wadanka Denmark Mette Frederiksen oo ay hareera joogaan wasiirka caafimaadka iyo madax kale, waxaaney sheegtey in uu xanuunkani meelxun marayo dadka uu ku dhacayaana ay maallinba maalinta ka danbaysa aad usii kordhayaan , sidaas awgeed ay lagama maarmaan tahey in talaabooyin degdeg ah la qaado intaan talo faro ka haadin , waxaaney sheegtey in laga bilaabo maallinta khamiista 29 bishan Oktoobar uu dhaqan gallidoonaan sharciyadan soo socdaa.

  1. in gafuur saab la isticimaali doono dhamaan goobaha dadku isugu yimaadaan, sida maqaayadaha, dukaamada,cisbitaalada IWM
  2. in la ogol yahay in ay kulmaan ugu badnaan 10 qof hakii ay markii hore ka aheyd 50 qof.
  3. in aan khamri la iibin karin wixii ka dambeeya 10 ka caweysnimo.
  4. in uu qofku aad u xadido dadka aan qoyskiisa , ardeyda uu wax la barto, iyo kuwo uu la shaqeeyo aan aheyn ee u la kulmijiray.
  5. in booliiska laga codsado in ay xakameeyaan dadka la ogol yahay in ay xuduudaha kasoo galaan.
  6. in sharciyo gaar ah loo soo saari doono shaqaalaha dibada wadanka uga soo shaqo taga Denmark.
  7. in looga digay dadweynaha wadanka Denmark in ay dalka dibadiisa safar ugu baxaan.

Sharcigan cusub ayaa socon doona tan iyo 02.01.2021 ka.

Sidoo kale waxa ay raisal wasaaradu xustey dalal kale oo ku yaala qaarada Yurub oo qaadey talaabooyin kuwan ka adag waxaaney tusaale u soo gaadatey Irland,Beljigium,Frans iyo qaal kale.

Sikastaba ha ahaatee waxaad moodaa in Covid-19 uu soo laba kacleeyey dunidiina dhabano hays uu kuriday.

Ilaahey ha inaga badbaadiyo.

Category