Cumar al-Bashir oo muddo kadib muuqaalkiisa la arkay

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Omar al-Bashir ayaa markii ugu horreysay shaashadaha ka soo muuqday tan iyo intii xilka laga tuuray bishii April.

Mr Bashir ayaa laga soo saaray xabsi ku yaalla magaala madaxda dalkaasi ee Khartoum ka hor inta aan la geyn xafiiska dacwad oogaha, halkaas oo lagu akhriyay dambiyada isaga ka dhanka ahaa.

75 jirkan oo ay ku hareeraysnaayeen ciidamada aminga ayaa waxaa uu ku labisnaa dharka dhaqanka ee dalkaasi.

Mr Bashir ayaa xilka iska casilay kadib markii Sudan ay hareeyeen dibadbaxyo bilooyin socday.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in lacago qalaad oo aad u badan gurigiisa laga helay, kadib markii uu talada dalkaasi iska casilay taas oo soo afjartay ku dhawaad 30-kii sano ee uu Sudan xukumayay.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheetay in markii Omar al-Bashir loo sii waday xafiiska dacwad oogaha uu qoslayay lana sheekaysanayay ciidamada ilaalada, laakinse daqiiqado kadib markii la soo celiyay waxaa wajigiisa ka muuqatay caro.

Mr Bashir ayaa sidoo kale waxaa laga doonayay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, isagoo ku eedeysanaa dambiyo ka dhan bini'aadanimada ee uu ka geeystay gobolka Darfur ee Sudan, inkastoo uu iska fogeeyay eedeymahaasi.

Barayaasha Jaamacaddaha Sudan oo dalbaday dibadbaxyo dheeraad ah oo ka dhan ah dowladda

Dhanka kale Mohamed Hamdan "Hemeti" Dagolo oo ah ku xigeenka golaha milatariga Sudan ayaa ballan qaaday in uu dacwad lala tiigsan doono dadkii ka dambeeyay hawl galkii ugu dambeeyay ee Sudan, kaas oo la sheegay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 100 qof.

Ninkan oo ay ugu yeeraan Hemedti ayaa si geesinimo leh ula hadlay hogaamiyaasha bulshada. Waxa uuna gaashaanka u daruuray eedeeymaha ah in ciidamadiisa ay khalad galeen bishan intii ay socdeen dibadbaxayada isagoona ballan qaaday haddii askari ka tirsan ciidamadiisa lagu helo dambi ka dhan ah dibedbaxyaasha amaba guud ahaan shacabka reer Sudan sharciga lala tiigsan doono.

Balse dad badan oo goob joogeyaal ah ayaa askartiisa ku eedeynaya in ay abuureen khalalaase baahsan.

Kooxaha dibedbaxayaasha ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo baaritaanno madax-banaan, badelkii ay baaritaan sameyn lahaayeen dadka la soo eedeeyay qudhooda.

Mohamed Hamdan oo ah taliye ku xigeenka golaha milatriga maamula dalka Sudan oo ka hadlayay hoolka xorriyadda ee Magaalada Khartoum ayaa marbadan joojinyay khudbadiisa oo waxaa ka soo dhex galayay qeeylada dadkii ku sugnaa gudaha hoolka.

Dhanka kale nolasha magaalaga Khartoum ayaa haatan u muuqata in ay soo wanaagsanaanayso, inkastoo dhagxaantii loo adeegsanayay jid-gooyooyinka ay weli daadsan yihiin hareeraha waddooyinka magaalada.

Milicsiga taariikhda Al-Bashiir

  • Dagaalkii Carabta iyo Israel dhex maray 1973-kii wuxu la dagaal galay ciidanka Masar
  • Af-gembi Islaamiyiintu taageerayeen ayuu talada Sudan ku qabsaday 1989
  • Magan gelyo ayuu siiyey hogaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laadin 1990-maadkii
  • Wuxu noqday madaxweynihii u horeeyey ee maxkamadda ICC waaran qabasho ah uu jarto, laakiin wuu beeniyaa eedaha ah inuu dambiyo dagaal ka falay Darfur.
  • Wuxu heshiis nabadeed la galay fallaagadii koonfurta 2005-tii
  • Wuxu meel mariyey go'itaankii Koonfurta ee 2011-kii taas oo keentay in Sudan weydo afar meeloodow saddex dhaqaalihii saliidda.
  • Abriil 2019 waxa af-gembiyey milatariga
  • Wax badan lagama yaqaan noloshiisa gaarka ah. Ubad na muu dhalin

source.BBC

Category