Cyril Ramaphosa oo xilka loo caleemasaaray

Pretoria (RH)-Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa maanta oo Sabti ah loo caleema saaray xika kadidb markii dhawaan uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Hoggaamiyaal ka socda gobalka iyo wakiilo matalaya waddamada caalamka ayaa ka qaygalay xafladda caleema saarka madaxweyne Ramaphosa oo lagu qabtay garoon cayaareed oo ku yaalla magaalada Pretoria.

Hoggaamiyaha xisbiga ANC ayaa sheegay in uu la dagaallami doono musuq maasuqa isla markaana uu ka shaqeen doono soo kabashada dhaqaalaha dalka ee sii liicaya,

Horaantii bishan ayaa la doortay hoggaanka 66 jirka ah, waxaana uu helay 57.5%, waana tiradii ugu yareed tan iyo markii xisbigan uu talada qabaty 25 sanno ka hor.

Mr Ramaphosa ayaa xilka kala wareegay Jacob Zuma sannadkii 2018 kaddib markii uu is casilay Mr Zuma oo lagu eedeeyay musuq maasuq.

Mr Ramaphosa waa madaxweynihii afaraad ee dimuquraadi ah loo doortay tan iyo sannadkii  1994.

32,000 oo qof ayaa ku sugnaa garoonka ay ka dhaceysay caleema saarka madaxweynaha Koonfur Afrika oo ah garoo lagu cayaaro cayaarta Ragbiga.

Radio Hormuud

Studio3

Mogadishu Somalia

 

Category