Dad ajnebi oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta Hargeisa iyo Berbera.

Hargeysa (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in afar qof, oo laba ka mid ah ay ajnabi yihiin ay ku dhinteen ku dhintayn shil gaari oo shalay gelinkii dambe ka dhacay waddada isku xirta magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera.

Sidoo kale shilkaa ayaa waxa ku dhaawacmay 10 qof.

Afar-ta qof ee dhintay ayaa laba ka mid ah waxa ay u dhasheen dalka Bangaladesh.
Meydadka afarta qof iyo 10 qof ee dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Dadka dhaawaca waxaa ku jira dumar kuwaasoo xaaladooda hadda ka soo hagaageysa.

Muddooyinkan dambe shilalka gaadidka ayaa ku soo badanayay deegannada Somaliland gaar ahaan waddada isku xirta magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category