Dalalka bariga Afrika oo ka digaya fiditaanka cudurka kadillaacay Tanzania

Dowladda Tanzania ayaa xaqiijisay in dalkeeda laga helay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Marburg.

Xanuunkan oo ah fayras ayaa waxa uu leeyahay astaamo u eg kuwa Ebola. Haddii uu faafo, waa mid khatartiisu badan tahay oo ay dad badan u dhiman karaan.

Kenya iyo Uganda ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta cudurka iyagoo ilaalinayo xadka ay la wadaagaan Tanzania kadib markii cudurka Marburg uu ka dilaacay halkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa sheegtay inay koox gaar ah u dirtay xuduudda Tanzania si looga hortago faafidda xanuunkaas.

Cudurkan waxaa Tanzania ugu dhintay 5 qof.

Feyraskan qofka uu ku dhaco wuxuu isku arkaa qandho daran, dhiig bax iyo inay shaqada gabaan qaar kamid ah xubnaha jirka.

Feyraskan waxay is leeyihiin cudurka Ebola.

Wasiirka caafimaadka ee Tanzania Ummy Mwalimu ayaa ugu baaqday shacabka inay is dejiyaan maadama dowladda ay xakameysay fiditaanka cudurka.

Waxay intaa ku dartay in 3 qof oo ku dhacay cudurkan la daweynayo halka ay ku daba jiraan 161 qof oo la kulmay dad uu horey ugu dhacay feyraska.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii koox gaar ah loo diray gobolka dhaca waqooy galbeed ee Kagera oo u dhaw xadka Uganda si ay baaritaan ugu soo sameeyaan cudurka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa bogaadisay sida deg dega ah ay Tanzania uga falcelisay cudurka.

Category