Dawladaha Somaliland iyo Uganda Oo Heshiiis Dhanka Macdan Baadhista Ah Kala Saxeexday

Kampala(RH):-Dawladaha  Somaliland iyo  Uganda ayaa  wada gaadhay heshiis dhanka macdan baadhista iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dhinacyada Tamarta iyo Macdanta,

Wasiirka Tamarta iyo  Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay inay is-afgarad ku gaadheen kulan dhexmaray Wasiiru-dowlaha Tamarta iyo macdanta dalka Ugaandha Hon. D’ujanga Simon.

Qoraal Wasiirka Tamarta iyo  Macdanta Somaliland maanta uu  Baahiyey Ayuu kaga hadlay kulanka dhexmaray madaxda Wasaarada Tamarta waxaanu ku   yidhi Qoraalkiisa.

“Kulan midho dhal ah ayaa nagu dhexmaray xafiiska Wasiiru-dowlaha horumarinta Tamarta iyo Macdanta Ugandha.

Wasiir Jaamac oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka iyo natiijada laga gaadhay ayaa raaciyey, inay kaga wada hadleen “Horumarinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada Wasaaradood waa laga wada hadlay, oo la isku afgartay.” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta Md Jaamac.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya socdaal shaqo oo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Agaasimaha Waaxda Macdanta Wasaaradda Md Cumar Yuusuf Cumar ku joogeen todobaadkii  u dambeeyey dalka Ugaandha, isla markaana kulamo iyo socdaalo goobaha macdanaha laga qodo ee dalkaasi ku marayeen qeybo ka ahayd.

 

 

Category