Denmark: 6 saacadood gudahood 250,000 kr oo ganaaxa.

RH. Kolding: Waxa kamaradu dhacdey 282 jeer oo xadkii xawaaraha la dhaafey, Isniintii subaxnimadii ayuu booliisku kamaradiisa dhigtay Jidka haywayga ah ee u dhow biriijka Storebælt dhanka magaalada Korsør.

Kaataroolku waxa uu bilaabmey 5.40 waxaanu dhamaadey 11.31, waxaa la ganaaxey  282 darawal oo dhaafey xadkii la ogolaa oo aahaa 110 km/t.

Sida aanu ka soo xiganey booliiska  Sydsjælland iyo Lolland-Falsters  oo iyagu goobtaas taagnaa waxaa jirey darawal cabirkii xawaaraha baabuurkiisu  gaadhey 149 km/t halka xadka loo ogolyahay ahaa 110 km/t, waxaana  laganaaxey 3500 kroner liisankiina waa laga dalooliyey.

Ganaax dhan  10 milyan oo kr.

Laanta socdaalka ee booliiska ayaa sameysay kaantarool dalka oo dhan intii u dhaxeysay 30. september ilaa  6. oktober  waxaaney Booliisku sheegeen in la diiwaan galliyey  10.000 oo xad dhaaf  xawaare guud ahaan dalka.

Sidaas darteed ayuu  todobaad qudha gudihii ganaaxu gaadhey  10 milyan oo karoon oo qasnada dawlada ku dhacdey.

 

  • Sarifka lacagta 
  • 1$ = 7,2 kr

 

Waxaa diyaariyey warka

Mohamed-amin Siyad Abdi

 

Category