Denmark: Soomaali lagu xukumey Mastaafur, kadib kolkii la sheegay in uu kufsadey xaaskiisa

RH: Kadib markii uu kufsaday oo uu sigaar ku gubey xaaskiisa, nin dhalinyaro ah oo soomaali ah ayaa laga masaafurinayaa dalka Denmark ,22 jirkan wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Danmark. Wuu ku hadli karaa wax yar oo Soomaali ah wuxuuna xidhiidh aad u adag la leeyahay Denmark marka loo eego Soomaaliya, sidaas aytahay waxa ay maxkamada Odensa ku xukuntay in dalka laga mastaafuriyo.

Tan iyo markii uu 15 jirsaday, dhowr jeer ayuu jabiyey sharciga dalka waxaanu ku kacay dambiyo ay kamid yihiin  Dhac, xatooyo, khiyaano. Laba jeer oo hore ayaa looga digay mastaafur, sidaas  maxkamadda ayaa ku sheegtay boggeeda internetka ee  dacwaddan.

Kiiska hadda socda ayaa sidoo kale horseedi kara  xukun shan sano oo xabsi ah.

Haweenayda uu garaacey waxay aheyd xaaskiisa oo da' yar  asal ahaana kasoo jeeda Ciraaq.

Labaduba waxay isku heleen app mar uu xabsi ku jiray, ayuu qoray wargayska fyens.dk arbacadii.

Haweeneyda hooyadeed ayaa wax fashilisey kadib kolkii ay booliska tagtay. Sida laga soo xigtay fyens.dk,  waxay u sheegtey booliiska in ay la yaabtay in gabadheeda oo video muuqaal ah ku soo wacdey ay xidhantahay  muraayad madow  waxaaney ogaatey in ay ku qarinayso nabaro kasoo gaadhey isha agteeda .

Xukunka ninkan dhallinyarada ah ayay maxkamadu ucuskatey kufsi, rabshad iyo dambiyo kale.

Mastaafurinta ayaa loo sababeyey inay jirto  tuhun laga qabo in ninku mar kale geysan doono dambi shaqsiyeed iyo dambi kasii waaweyn.

Kasaarida dalku  waxay lagama maarmaan u tahay nabadgelyada guud iyo kahortagga dembiyo kale oo dhici lahaa.

Xuquuqda uu ninku u leeyahay nolol qoys sida ku xusan heshiiska xuquuqda aadanaha lama jabin, ayay tiri maxkamda Odensa ee xukunkan ku riday.

22 jirkaan ayaa racfaan ka qaatay xukunka maxkamada sare.

 

Warbixinta waxaa qorey Fynes.dk

Tarjumaada Radio Hormuud

Sawirku makhuseeyo sheekada

Category