Waftigan oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga gudaha Mr. Mohamed Abukar Islow ayaa Denmark booqasho qarsoodi ah ku yimid 6-7 Septembar , iyaga oo sida la sheegay martiqaad ka helay laanta socdaalka ee Denmark.
sida lagu soo qoray bogga internetka ee wasaarada qallobixinta iyo socdaalka intii uu joogay waxa uu wasiirku la kulmay wasiirada socdaalka iyo isdhexgalka Denmark Inger Støjberg iyo wakiilo ka socday wasaarada arimaha dibada, waxaanu booqday xarunta kaydka xogta dadweynaha ee Denmark.
waxa lagu sheegay warbixinta wasaarada in socdaalku ahaa mid lagu xoojinayo heshiiska wadashaqeyneed ee Denmark iyo Somaliya ee dhanka nabada iyo socdaalka,
waxa sidoo kale la sheegay in ay Denmark Soomaaliya ka caawineyso dhisida xarun weyn oo loogu tallogalay arimaha socdaalka oo laga dhisidoono magaalada Muqdisho iyo mashaariic dibu dajineed oo soomaaliya laga hirgalindoono.
Markii la ogaadey in xaalada degnaanshiiyo ee soomaaliya oo kasoo reynaysa ayaa la garawsadey in la taageero awooda laanta socdaalka ee soomaaliya, waxaaney Denmark aqoonsatey in baasboorka diblomaasiga ee soomaaliya uu yahay dukomenti socdaal oo rasmiya ayaa lagu soo gabogabeeyay qoraalka la soo dhigey bogga wasaarada ajanabiga iyo socdaalka ee Denmark.
Hadaba Radio Hormuud oo la xidhiidhey madaxda jahliyada soomaalida ee magaalada Kobenhagen gaar ahaan xubnihii wufuudii hore soo dhaweynjirtey waxey sheegeen in haba yaraateen aanay waxba ka ogeyn imaatinka waftigan ee wadanka Denmark.
Wasiirada socdaalka ee Denmark Inger Støjberg ayaa sharcigii kala noqotay boqolaal soomaaliya oo hore sharciga kumeel gaadhka ah loo siiyey iyada oo u cuskatay in xaalada wadanka soomaaliya ay hada degantahay isla markaasina ay heshiis la gashay dawladii hore ee xasan shiikh maxamuud in soomaaliya lagu soo celin karo soomaalida sharciga looga diido Denmark, waxaase ay wasiiradu ku fashilantay markii la waydiiyey qoraalka iyo saxeexa heshiiska ay la gashay soomaaliya iyada oo sheegtay in uu ahaa heshiis afka ah oo is afgarad.
Hadaba maloo fasiran karaa socdaalka waftigan in uu salka ku hayo mid lagu raadinayo wado loo marto cellinta dadkan iyo hellida dekomenti soomaaliyeed oo loo adeegsankaro celintoontooda ,iyagana loogu badali doono dhisida xarunta socdaalka iyo mashaariic dibu dajineed oo muqdisho laga samayn doono.
halkan ka akhri qoraalkii wasaarada
http://uim.dk/nyheder/2018-09/somali-delegation-visiting-denmark