Denmark: Waxay dib ugu soo noqotey dukaankii ay wax ka xadey waana lugu qabtey

RH: Khamiis at saacadu markii ay aheyd 11.11 AM  ayaa bilayska bariga Yuulland waxay  qabteen haweenay wax ka xadey dukaanka   Imerco ee ku dhex yaala Bruuns Galleri , halkaas oo shaqaaluhu ku aqoonsadeen haweenaydan maadaama oo ay maallin ka hor ay xadey sed ah dusuuda cuntada lagu kariyo  waxaana laga arkey  kamerada dukaanka.

Haatan haweeneydii ayaa dib ugu soo laabatay dukaanka shaqaaluhuna waxay markiiba waceen booliiska si loo caawiyo.

Markii ay booliisku yimaadeen goobta, haweeneyda 25-jirka ah waa la qabtay waxaana lagu eedeeyay inay dukaan ka alaab ka xadey maallin kahor.

Waxaa ka sii darnaa markii labaadhey haweeneydan da'da yar ee la arkey in ay sidato abaab cusub oo ay kasoo xadey  dukaan ku yaal wadada Jægergårdsgade ee isla bartamaha magaalada Aarhus , waxaana hada lagu soo ogaayey Tuugnimo.

 

xigasho: Diiwaangallinta dembiyada maallinlaha ah ee booliska Denmark.

Category