Doodda Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Denmark (2026)

Ku soo dhawaada wararka doorashada baarlamaanka Denmark oo la filayo in ay dhacdo bisha dambe, qeybtan waxaan ku soo qaadaneynaa dood loo qabtey hogaamiyaasha xisbiyada habeen hore , gaba gabadii dooda ayaa waxaa siyaasi kasta la siiyey inuu ku sharxo qodobadiisa ugu muhiimsan ololihiisa siyaasadeed 30 ilbidhiqsi kaliya maxay hadaba yidhaahdeen?  waakuwan.

1. Lars Boje Mathiesen (Borgernes Parti)

  • Qodobada:  Wuxuu xoogga saaray xakameynta Islaamka, dhisidda maxkamado dastuuri ah oo lagula xisaabtamo siyaasiyiinta, iyo in nolosha maalinlaha ah laga dhigo mid ka raqiisan sidii hore.

2. Pia Olsen Dyhr (SF - Socialistisk Folkeparti)

  • Qodobada: Waxay diiradda saartay mustaqbalka carruurta, fayo-qabka dhallinyarada, iyo daryeelka waayeelka. Waxay ku baaqday in la maalgeliyo daryeelka bulshada halkii canshuurta laga dhimis lahaa dadka taajiriinta ah.

3. Troels Lund Poulsen (Venstre)

  • Qodobada: Isagoo raba inuu noqdo Ra'iisul Wasaare, wuxuu xoojiyey amniga dalka, taageerada Ukraine, iyo horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka waayeelka.

4. Alex Vanopslagh (Liberal Alliance)

  • Qodobada: Wuxuu soo bandhigay barnaamij ay wadajir u soo saareen mucaaradka. Qodobada waxaa ka mid ah: Isticmaalka tamarta niyuukleerka (Nuclear power), dhimista maamul-maroorsiga (bureaucracy), iyo isbeddel lagu sameeyo canshuuraha si nolosha dadka loo fududeeyo.

5. Morten Messerschmidt (Dansk Folkeparti)

  • Qodobada: Wuxuu aad ugu dheeraaday tarxiilka ajaaniibta dambiilayaasha ah, isagoo tusaale u soo qaatay nin dambi galay oo weli dalka ku sugan. Wuxuu sheegay in xisbigiisu yahay midka keliya ee tallaabo dhab ah ka qaadi kara arrintaas.

6. Mona Juul (Konservative)

  • Qodobada: Waxay xoogga saartay "Amniga" (Tryghed) dhinacyada canshuuraha guryaha, difaaca dalka, iyo in carruurtu helaan waxbarasho tayo leh. Waxay sheegtay inay tahay siyaasi ku dhisan natiijo-keenis.

7. Martin Lidegaard (Radikale Venstre)

  • Qodobada: Wuxuu u ololeeyey tamarta cagaaran, biyo nadiif ah, iyo in kor loo qaado fursadaha dhallinyarada aan haysan waxbarasho ama shaqo, isagoo raba Denmark loo dhan yahay.

8. Mette Frederiksen (Socialdemokratiet)

  • Qodobada: Waxay sheegtay in loo baahan yahay siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah, in la tarxiilo ajaaniibta dambiyada gala, iyo in la xoojiyo nidaamka hawlgabka iyo fayo-qabka carruurta.

9. Inger Støjberg (Danmarksdemokraterne)

  • Qodobada: Waxay xoogga saartay in la isku dheellitiro nolosha magaalada iyo baadiyaha, in laga baxo heshiisyada caalamiga ah ee horjoogta u ah in dalka laga saaro ajaaniibta dambiilayaasha ah.

10. Franciska Rosenkilde (Alternativet)

  • Qodobada: Waxay xoogga saartay hoggaaminta cimilada iyo in si dhab ah loo wajaho dhibaatada deegaanka, gaar ahaan isbeddel lagu sameeyo nidaamka beeraha si loo ilaaliyo biyaha iyo dabeecadda.

11. Pelle Dragsted (Enhedslisten)

  • Qodobada: Wuxuu xoogga saaray sicir-bararka nolosha (cuntada iyo kirada). Wuxuu soo jeediyey in canshuurta laga dhaafo cuntada (VAT) iyo in daryeelka ilkaha lagu daro adeegyada caafimaadka ee bilaashka ah.

12. Lars Løkke Rasmussen (Moderaterne)

  • Qodobada: Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la maalgeliyo difaaca dalka iyo dib-u-habaynta nidaamka bulshada si loo helo dhaqaale lagu daryeelo amniga iyo badhaadhaha.

Category