Dowlada Somaliland Oo Sheegtey in aanay Ogolaanayn in Cidi Soo Faro-geliso Baddaheeda

Hargeysa(RH)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aan baddaheeda u daba fadhiisanaynin in cid kale faro-geliso, maadaama oo xeebta dheer ee Somaliland tahay mid ka caagan budhcad baddeeda iyo Argagixisada.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo dhignaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celcelinaysaa mawqifkeedii hore ee ahaa inaanay iskaashi kale yeelan siyaasadaha, barnaamijyada iyo hawlaha dalalka xubnaha ka ah Carabta iyo Afrika ee xuduuda la leh badda cas,

Maadaama oo la diiday mawqifkeedii saxda ahaa ee daneeyayaasha muhiimka u ahaa.

Somaliland waa dal madax bannaan umana daba-fadhiisanayo cidna arrimaha khuseeya saamigeeda baddeed,Somaliland waxay aqoonsan tahay muhiimada istaraatiijiyadeed ee marinka badda cas ee loogu talo galay nabadda iyo ammaanka gobolka,

waxaanay ugu horeyn soo dhawaynaysaa baahida loo qabo mawqifka guud ee lagu ilaalinayo biyaha.

Aqoonsiga awgeed Somaliland waxay muddo dheer ku dedaalaysay ilaalinta iyo hubinta in biyaha xuduudeedda oo dhan 850 km ay ahaadaan kuwa nabdoon oo ka bad qaba budhcad badeedda iyo arga gixisada.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aaminsan tahay in dhawrista amniga badda cas iyo gacanka Cadmeed ay khusayso dhammaanba dalalka la wadaaga biyaha Badda iyadoo Taageeraysa xal kasta oo wax ka taraya arrintan.

Jamhuuriyadda Somaliland ma aqoonsan doonto ciddii ka hor imanaysa ee kala soocaysa arrimaha wadaaga lagu yahay, waxayna Somaliland rajaynaysaa iskaashi kasta oo ka qayb qaata barwaaqada mandaqadan iyadoon lagu xad gudbin madax bannaanida dal kasta.

Somaliland waxay u aragtaa nabadeeda, Xasiloonideeda & Barwaaqadeedu inay si buuxda ugu xidhan tahay ta gobolka guud ahaan iyadoo sii wadaysa inay kala shaqayso dhammaanba daneeyayaasha arrimaha si loo gaadho is afgarad.

 

Category