Dowladda federaalka Soomaaliya iyo IGAD oo ku shiray Muqdisho

Muqdisho (RH)-Dowladda federaalka Soomaaliya iyo urur goballeedka IGAD, ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir wadatashi oo looga arrinsanayay arrimaha amniga iyo wadashaqeenta heer gobal ee waddamada dhaca badda cas iyo gacanka cadan.

Shirka oo socday muddo labo cisho ayaa waxaa dhinacyada IGAD, ay dowladda federaalka ka dhageesanayeen qorsha amniga ee u deggan ee la xiriirka waddamada kulaala badda cas iyo gacanka acada.

Markii uu shirka soo dhammmaaday, ayaa waxaa saxaafadda u warramay u qeybsamaha madaxweynaha ee arrimaha badda cas iyo gacanka cadan, Ballal Maxamed Cismaan ayaa sheegay in marka uu soo dhammaado latashiyada waddamada gobalka la soo saari doono warbixin dhammeestiran oo looga hadlayo sida looga howgalayo arrimahan.

 

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo IGAD oo ku shiray Muqdisho

"Shirkan waxa uu ku saabsanaa wadatashi IGAD ay la yeelanaysay dhammaan waddamada xubnaha ka ah IGAD ee gobalka, waxa ay horrey u soo mareen waddamada Kenya, Suudaan iyo Jabuuti waxaa nahay dalkii afaraad oo ay yimaadaan"ayuu yiri Ballal.

Radio Hormuu

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category