Dowladda Soomaaliya ma waxey ka jawaabtay hadalkii Erdogan ee Shidaalka?

Muqdisho(RH)- Kadib hadal shalay kasoo yeeray madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan oo ku saabsanaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay weeydiisteen in ay sameeyaan sahan shidaal ayay u egtahay in dowladda Soomaaliya ay haatan ka jawaabtay hadalkaas.

Inkasta oo aysan dowladda si toos ah u abaarin arrinta Erdogan, ayaase war lagu soo daabacay wakaaladda wararka SONNA waxa lagu sheegay in aanan weli la gaarin xiligii badda laga sahmin lahaa shidaal.

Wasiirka batroolka iyo macddanta, Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in aan la gaarin xilliggii la gudo geli lahaa howlaha sahminta shidaalka isla markaasna ay weli qabyo yihiin qorsheyaal loo bahaan yahay in la dhameystiro, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee SONNA.

Wasiirka ayaa wakaaladda u sheegay "In xiriir walaalnimo iyo mid wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro"

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in howsha batroolka ay ahaan doonto mid daahfuran.

Waxay arrintani kusoo beegmeysaa xilli madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan uu shaaca ka qaaday in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliya taasoo ku aaddan in Turkiga uu sahmin shidaal ka sameeyo Badweynta Hindiya inta ay ka leedahay Soomaaliya.

Muxuu yiri Erdogan?

Wakaaladda wararka ee Reutersoo soo xiganeysa telefishenka NTV ee dalka Turkiga ee ayaa kusoo warrantay in madaxweynaha Turkiga, Rejab Teyp Erdogan uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Turkiga ku casuumtay in ay soo saarto shidaalka ku jira badda Soomaaliya, kadib markii xukuumadda Ankara ay heshiis kaas lamid ah oo dhanka badda ah ay la saxiixatay Libya sanadkii lasoo dhaafay.

Rejab Teyp Erdogan AFPCopyright: AFP

Erdogan ayaa mar uu Magalaada Berlin ee dalka Jarmalka kula hadlayay wariyeyaasha waxaa uu sheegay in Turkiga uu qaadi doona tallaaba la xirirta casuumaada uga timid Soomaaliya, inkastoo aanu fahfaahin dheeraad ah ka bixinin.

"Waxaa jira dalab inooga yimid Soomaaliya, waxaana ay yirahdeen 'shidaal ayaa ku jira baddeena, arrin taas la xiriirtana waxaad ka wadaan dalka Libya, sidookalena Soomaaliya wad kasoo saari kartaan,''ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu intaa raaciyay in arrintaas ay muhiim u tahay Turkiga, tallaaba ku aadan arrintaasina ay qaadi doonaan.

Xiggasho; BBC

 

 

Category