Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay buufino lagu arkay hawada Soomaaliya

Muqdisho (RH) — Hay’adda duuslista rayidka ee Soomaaliya ayaa ka war bixisay buufino waaweyn oo lagu arkay hawada Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee hay’adda duuslista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin Xassan oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda ay ka warheyso buufinadaas oo ay lee dahay shirkadda internetka ee Google, taasoo qiimeyn ku sameeneysa sida Internetka u gaarayo goobaha baadiyaha.

"Shirkadda Google, waxa ay dhawaan billowday in ay adeegsato Baaluunno ay ku ogaaneyso sida goobaha baadiyaha ee Afrika uu u gaari karo Internet"ayuu yiri Maareeyaha.

Maareeyuhu waxa uu sheegay in tan iyo markii cudurka Corona uu dilaacay ay yaraadeen diyaaradaha adeegsada hawada Soomaaliya,

Aad ayaa looga hadal hayaa Buufinadan lagu arkay hawada Soomaaliya, maalmihii la soo dhaafay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category