
RH: Warbixin cusub ayaa muujisay in 29 goobood oo ganacsi ah oo ku yaal bartamaha magaalada Kolding ay hadda madhan yihiin, taasoo ah tiradii ugu badnayd muddo ka badan 5 sano. Tani waxay sare u kacday 10 meheradood tan iyo sanadkii 2023.
Jernbanegade ayaa ah meesha ugu daran – halkaas waxaa tirada dukaamada bannaan ay kor uga kacday afar (4) ilaa sagaal (9), taasoo la micno ah in kaligood ay sabab u yihiin kala bar kororka guud ee magaalada.
Sidoo kale Østergade iyo Helligkorsgade ayaa xaaladdu ku xumaatay. Østergade, oo sanadkii 2022 aan lahayn hal dukaan oo madhan, hadda waxaa yaalla lix (6) meheradood oo bannaan.
Daraasaddan ayaa tilmaamaysa in badankooda la leeyahay ay yihiin dad aan deegaanka Kolding degganayn. Waxaa laga digayaa in dukaamada madhan ay yihiin "calaamad halis ah" oo u baahan in wax laga qabto si dhaqso ah.
Pierre Legarth, oo ah mulkiileyaal badan oo goobahaas leh, ayaa sheegay in isbeddel weyn ku yimid habka ganacsiga magaalooyinka Denmark, balse wuxuu rajo ka muujiyey in dib loogu soo celin karo firfircoonida Kolding, haddii ay jiri lahaayeen isku-duubni iyo tallaabooyin degdeg ah.
Diyaarinta : Mohamed-Amiin Siyad Abdi.
