Dumarka ajanabigu Waxay rabaan in ay sameystaan shariikad ay leeyihiin , si ay u noqdaan kuwa duniga ugu wanaagsen Saambuuse sameynta.

RH: Iyadoo la isku dayayo in haween badan oo asalkoodu ka soo jeedo qowmiyado kala duwan  la shaqo geeyo , ayaa degmada Kolding-Denmark oo kaashanaysa Huset Venture waxay Kolding ka bilowdey shirkad la magac baxdey Multifoods , haween ka socda Soomaaliya, iyo kuwo dalal kale kayimid ayaa isu yimaadaan dhowr jeer usbuucii waxayna kariyaan cunto ay ka iibiyaan shaqsiyaad gaar ah iyo shirkado.

Udgoonta xawaashyada, basbaas iyo basal ayaa ku faafta goobta iyadoo ay weheliso sanqadha mishiinka wax dixiimiya iyo jarjarida kaabashka, waxan oo shaqo ahi waxa ay kasocdaan kelaha ama qeybta hoose ee iskuulkii hore loo odhan jiray Dyrehaveskole hadana loo badaley  xarunta tababarada waxbarashada iyo barbaarinta ee degmada kolding.

Waa goor galab ah, oo haweenkii ka socday shirkadda Multifoods ay la wareegeen jikada si ay u diyaariyaan wax loogu yeedho Saambuuse, waa saddexagallo yaryar oo hilib shiilan oo cajiin ah isa markaasina lagu udgooneeyay xawaashyo oo  khudradi ay  kabuuxdo.

Saambusuhu runti waa wax aan inta badan isticmaalo cunidiisa xilliyada xafladaha iyo bisha Ramadaan oo aanu afurkii cuno, laakiin waxaan ogaanay in aad looga jecelyahay Denmark oo uu ka midnoqon karo  cunnooyinka maallinlaha ah ama cunnooyinka fudud, ayay tiri Saynab Cabdi Cawil.

vffgt

Waa 29 jir asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, laakiin waxay timid Denmark sanadkii 2005. Haatan waxay wax kabarataa dugsiga ganacsiga IBC, bishii Sebtember ee sanadkii hore ayay ka mid noqotay Multifoods. Mashruuc ay bilaabeen guddiga suuqa shaqada ee degmada Kolding oo kaashanaya shirkadda dhaqan-dhaqaale ee Huset Venture.

Mashruucani wuxuu si gaar ah u khuseeyaa oo loogu talogalay sidii haweenka ka soo jeeda qowmiyadaha kale sidii shaqooyin loogu helilahaa, ilaa iyo hadda waxaa si toos ah uga qeybqaadanaya toban haween ah oo badhkood soomaali yihiin.

- Annaku ka degmo ahaan dabcan muhiim ayey noo tahay in haweenka kasoo jeeda qawmiyadaha kale ay galaan suuqa shaqada.

Xirfadaha ay leeyihiin haweenkani way adtahay in loo turjumo suuqa shaqada ee deenishka, sidaa darteed ayaanu u fikirnay sidii looga faaideysanalahaa xirfadaha ay haweenkani hore u lahaayeen oo ay kamidtahay cunto karinta, sidaas waxaa tidhi Birte Muhs, oo ah madaxa dhanka hormarinta ee degmada Kolding. 

Tijaabooyinka jikada

Kulamadii ugu horreeyay  waxaa lagu bilaabay in haweenka lawaydiiyey waxay jeclaanlahaayeen in ay ka shaqeeyaan, markiiba waxa ay isku raaceen in ay dooran lahaayeen  cunto karinta.

’’tan iyo yaraanteydii waxaan kijada kala shaqeynayey hooyaday iyo ayeyday,sidaas daraadeed cunto karintu waa wax si caadi ah ug amid ah nolosheyda, waanan jecelahay runtii’’ ayey tidhi Seynab iyada oo shaqadeedii wadata oo cajiinkii fidineysa una jareysa qaabka saddex xagalka ah ee Saambuusaha

cdffg


 waa wax ku xidhan farsamo , run ahaantiina qaabab kala duwan ayaa loo laabaa saambuusaha,  waxay ku xidhantahay hadba dalka aad kasoo jeedo laakiin Soomaaliya markasta waxaanu u sameynaa qaabkan saddex geeska ah.

Intii ay cajiinka si khafiif ah u soo bixinaysay, dumarka kale qaarkood waxay bilaabeen inay tijaabiyaan dhadhan cusub oo loogu talagalay sambuuse aan hilib ku jirin oo khudrad kaliya leh iyaga oo ay hareer taagentahay Annette Møller Therkelsen haweenayda madaxda ka ah mashruuca oo iyada lafteedu ganacsade ah  ,

Annette ayaa tan iyo bilowgii mashruucan ka mid aheyd si ay dumarka uga caawiso in ay xirfadooda shariikad ay leeyihiin ku sameystaan

Waxaan soo maamulay shirkado cuntada ka ganacsada sanado badan , marka waxaan aad u jecelahay in aan haweenka u soo gudbiyo waaya-aragnimadayda, si aysan u sameynin khaladaadka aan anigu soo sameeyay. Runtii waa arrin aad u adag in la maamulo meherad cunto,

LAHAANSHIIYO

Haweenku waxey hada ka shaqeeyaan kijadan  4 ilaa 20 saacadood todobaadkii , inkasta oo ay Multifood  ku bilaabantay qaab  mashruuc hoos yimaada Jobcentre ka kolding , waxa uu qorshuhu yahay in ay haweenkani yeeshaan shariikad cuntada sameysa oo ay u madaxbanaanyihiin bisha Abril.2021 ka , inkasta oo ay Birte Muhs lafteedu sheegtay in sababtu tahay haweenkii oo si wanaagsan ula qabsadey shaqadii oo isku filaankara.

vfgty

Inkasta oo haweenku kali kali iyo wada jirba aaney u cadeynin in ay diyaar u yihiin in ay shariikad ay leeyihiin u badalaan mashruuca , balse Seynab Cabdi waxay aad ugu rajo weyntahay in ay waxbarasha ganacsiga ee ay wado u badasho ficil.

Waa wax xiiso leh in aynu aragno mustaqbalka sida ay ku dhamaato ,waxa se aanu rabnaa in aanu noqono kuwa duniga ugu wanaagsen sameynta Saambuusaha , nasiib wanaagna waanu wici karnaa Annette hadii aanu tallo ubaahano ay tidhi saynab iyada oo yar qosleysa, marka laga yimaado cunto karinta waxaanu noqoney dad isku xidhan oo is weheshada, laakiin hadii sida hadafku yahay dalabkayagu gaadho 1000 xabo oo saambuuse ah maallintii dabcan waxaanu u baahaneynaa dad dheeraad ah, waanu isku faraxsananahay waxaananu soo dhaweynaynaa cidkasta oo daneynaysa in ay Saambuuse sameyso oo ay nagu soo biirto ay tidhi Saynab Abdi.

 

Qoramadan waxaa qorey wargeyska JV

Tarjumaada: Radio Hormuud

 

 

Category