Duqa cusub ee Kolding oo qaatay go’aan naadir ah: Wuxuu shaqo-barasho (praktik) u tegayaa shaqaalaha hoose

KOLDING: Qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee Kolding ayaa la kulmi doona khibrad ka duwan kuwii hore, ka dib markii duqa cusub ee magaalada uu shaaciyey inuu si toos ah uga qayb qaadan doono shaqooyinka maalin laha ah ee ka socda qaybaha kala duwan ee magaalada.

Jakob Ville, oo dhowaan loo doortay Duqa Magaalada Kolding, ayaa doortay hab ka duwan hab-maamuuskii hore si uu u fahmo qaybaha uu aqoonta yar u leeyahay ee dowladda hoose. Halkii uu ka akhrin lahaa warbixinno ama uu ka qayb geli lahaa shirarka xafiiska, wuxuu go'aansaday inuu isagu gacantiisa ku qabto shaqooyinka ka socda goobaha adeegga.

Afar saacadood oo shaqo toosa ah 

Sida uu qorshuhu yahay, Duqa magaalada ayaa bishiiba mar geli doona 'shago-barasho' (praktik), isaga oo ka qayb qaadan doona shaqada ka socota qaybo gaar ah muddo afar saacadood ah markii kasta.

"Waxaan aaminsanahay inay tahay habka ugu wanaagsan ee aan ku heli karo xog faahfaahsan oo ku saabsan waxa ka socda degmada weyn ee ay u shaqeeyaan ilaa 8,000 oo qof. Ma booqan karo qof kasta, laakiin marka aan shaqo-barasho u tago xarumaha dadka naafada ah ama guryaha dadka waayeelka ah, waxaan helayaa muuqaal dhab ah oo ku saabsan sida shaqadu u socoto, nolosha shaqaalaha iyo sida ay ula kulmaan muwaadiniinteena," ayuu yiri Jakob Ville.

Inuu noqdo Duqa dadka oo dhan

Jakob Ville ayaa horey u ahaan jiray guddoomiyaha guddiga qorsheynta iyo farsamada, halkaas oo uu aqoon fiican u leeyahay. hase yeeshee, wuxuu qirsan yahay inuu u baahan yahay inuu wax badan ka barto qaybaha daryeelka bulshada sida dugsiyada, xanaanooyinka, iyo adeegyada gaarka ah.

"Waxaan rajaynayaa inaan khibrad dhab ah ka helo meelahaas. Tani aad ayay uga duwan tahay inaad iska timaaddo oo aad koob kafee ah la cabto maamulaha," ayuu sii raaciyey.

Qorshahan cusub ayaa lagu bilaabi doonaa 20-ka bisha Febraayo, waana markii ugu horreysay ee duq magaalo oo ku yaalla gobolkan uu qaado tallaabo noocan oo kale ah si uu u dareemo culayska iyo quruxda shaqooyinka ay shaqaalaha hoose u qabtaan bulshada.

Xigasho: JydskeVestkysten / Radio Hormuud

Category