Eritrea oo ‘IGAD gaynaysa qaddiyadda Somaliland’

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay hiilkii ay Somaliland u fidisay Dowladda Jabuuti xilligii ay dagaalamayeen Dalka Ereteriya, waxaanu sheegay inuu hiilkaasi ahaa mid aan laga fikirin.

Waxa uu soo dhaweeyay xulufo cusub oo ay samaystaan Somaliland iyo Ereteriya taas oo uu ku tilmaamay mid ka wanaagsan tan Jabuuti.

Xildhibaan Nac-nac oo ka hadlay weftiga Ereteriya ee Somaliland yimid ayaa yidhi “Waxay u dhigan tahay wuu inoo hiiliyey, waxay u dhigan tahay markuu Somaliland yimid dadkaa degan inuu Adduun weynaha tuso inaynu dal jira oo degan oo ismaamula oo calan leh oo Lacag leh oo wax walba leh nahay oo baarlamaan leh oo guurti leh ayuu Adduun weynaha gaadhsiinayaa wuu yaabay, Adduun weynaha ayuu ina barayaa Afrika oo dhanba albaabka ayuu inoo furayaa isagana weynakii nidhi ahlan wasahlan walaal, walaalkayo ayaa tahay waxaad noo dhaantaa walaalkaan la midownay ee naga tegay ee na dilay ee todobaatanka kun in ka badan naga diley ee aanu leenahay Itoobiya iyo Ereteriyaba  kala tegoo heshiiyee aynu heshiino.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in socdaalka weftiga Ereteriya ay ku yimaadeen Somaliland ay fariin u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

 

“Kaana wax ayuu tusayaa oo wuxuu leeyahay annaga iyo Itoobiyaba waanagii heshiinee , walaalkiin la heshiiya oo laba dowladood oo walaalo ah oo jaar ah noqda , Bariga Afrika wanaageedii ayeynu noqnay oo hadhow talaabo ayaanu ka qaadanaynaa , markaa Geeska Afrika ayaanu ka qayb-gelaynaa midowgaa la samaynayo, laakiin maanta haddii annaga sidaa na looga tago midowna gelimayno Eratariya ayaanu la walaaloobaynaa walaalkayo waakaas .”Ayuu yidhi Nac-nac

Dhanka kalena Xidlhibaan Nac-nac ayaa Dowlada Jabuuti farriin u diray waxaanu sheegay in ay Somaliland Hiil walaal la noqonayso Dowlada Ereteriya, halka ay Jabuuti hiil walaal u noqotay Muqdisho “Hiil walaal qoladan Jabuutina waxaanu tusaynaa hiilka aad u hiilinayseen Muqdisho annaga ayaa idiinka dhow . Eteteriya oo weliba Barigii aanu idiinka hiilinay wakaa maanta noo yimid ee soo dhawaada yidhi , wax ku qaata ayaanu leenahay , maanta waxaanu leenahay Jabuuti annaga waxa noo kiin dhaama oo naga kiin xiga ninkaa Erateriya ayaa noo kiin dhaama .”

“Wasiirka wuxuu yidhi IGAD ayaan geynayaa wa laga doodayaa wuu yaabay wadankan degan ee Lacagtu suuq-yada taalo ee aan juuq loo odhanayn ee dumuqraadiyadu ka jirto ayuu la yaabsan-yahay, markaa doodaa IGAD ayuu geynayaa wuxuu leeyahay waar dad ayaanu aragnay dad la lumiyey ayaanu aragnay oo la ilaaway ee bal kaalaya soo arka ayaanu leenahay .”Ayuu yidhi Nac-nac.

 

source. Caasimada Online

Category