Fadhigii Cali Mareexaan, Firdhashadii Siciid Sulub, Falaadho-Gankii Muuse Biixi Iyo Filan-Waagii Duur Iyo Waabeeye

Hargeysa(RH)Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa todobaadkan Shir muran badani ka hadhay la qaatay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Siciid Sulub Maxamed, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Maxamed Nuur Caraale Duur.

Siyaasiyiintan ayaa markii ay u galeen Madaxwaynaha oo uu la joogo Siyaasi Cali Mareexaan salaan ka dib dalbaday in Cali Marxeen wakhti siiyo Markii uu is yidhi kacna waxaa dhacday in Muuse Biixi dalbado in Cali Mareexaan iska fadhiyo,

Siciid Sulub ayaa markale dalbaday in ay arrin gaara u socdaan siddaasi darteedna la wakhti Madaxwaynahu  siiyo, Cali Mareexaan ayaa markale Hin-qaday si uu u kaco waxaase baajiyay kicidiisa Madaxwayne Biix, Waxaana halkaasi ka abuurmay in waji gabax meesha yaalo, Xogta ayaa sheegaysa in Siciid Sulub dibadda ugu soo baxay Madaxtooyada, Madaxwayne Biixina aanu daymood tagidiisa, Duur iyo Xildhibaan Waabeeye ayaa hadal duur-xul ah bilaabay iyagoo xaalada dajinaya waxaanay cabaar ka dib Biixi u sheegay inay markale dib iskugu soo noqon doonaa.

Ma Cadda Sababta keentay Madaxwayne Muuse Biixi in uu hor is-taago tagida Cali Mareexaan iyo Waxaa masuulka meesha fadhiyay uu u go,aan qaadan waayay in uu jaanis siiyo odoyaashan mar haddii ay kala hadlayaan howlo kala duwan oo xiligeedii taagnaa.

Xogtan ayaa sheegaysa in aanu mar dambe xataa Madaxwayne Biixi wax fariin ah ka daba dirin Odoyaashan.

Siyaasiyiinta ayaa la filayay in ay doonayeen in Madaxwayne Biixi ay kala hadlaan siddii loo adkayn lahaa wadda jirka Somaliland

Dhinac kale Siyaasiyiintan ayaa waxaa la socday Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee XIsbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheer oo isagu laftiisu ka dareen celin siday wax dhacayaan

 

Category