Gaas: Waa in la diidaa in shacabka awood milatari lagu caburiyo

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Universal ayaa si adag kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda adag ee magaalada Muqdisho.

Gaas ayaa wareysigan taageero ugu muujiyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in laga qaldan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay dibad-baxa ay abaabulayaan uu ka dhashay rajo xumo laga qabo in ay dhacdo doorasho dimuqraadi ah.

“Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanbaxan, dowladdana aad ayay ugu qaldan tahay inay hor-istaagto, banaanbaxa waxaa keenay rajo xumo iyo quus lag muujiyay in doorasho dimuqraadi ah dhacdo,” ayuu yiri Mudane Cabduweli Gaas.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dalka ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga hortego in awood milatari loo adeegsado shacabka.

“Dalkan 21-sano oo Diktaatooriyad ah ayuu soo maray waana in la diidaa in shacabka awood milatari lagu caburiyo banaanbaxuna waa Dastuuri,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalinta beri ah lagu wada in dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu ka dhaco gudaha Muqdisho, kaas oo ay hadda abaabulayaan musharraxiinta, waxaana socda wada-hadallo ku aadan dibad-baxaasi.

Category