Gabar Soomaaliyeed oo guul ka gaartay tartan Feerka

Nairobi(RH)-Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa guul ka gaartay tartanka isreeb-reebka feerka Afrika ee ka socda caasimadda Dakar ee xarunta dalka Senegal, kadib markii ay ka badisay Beatrice Akoth oo ka soo jeeda dalka Kenya,

Ramla, oo mar ka soo muuqatay bogga hore ee majaladda Vogue Magazine, ayaa muujisay dadaal xoogan si ay ugu guuleysato kulankeedii furitaanka oo ay garaacday Okoth.

Ramla, ayaa intii ay cayaarta socotay soo bandhigtay inay ku guuleysato dhibco wanaagsan.

Ramla ayaa hadda la kulmi doonta cayaarta labaad Khouloud Hilmi oo reer Tunis ah wareega 8-da Isniinta. Hilmi, ayaa horrey ugu ku guuleystey billada dahabka tartankii Afrika ee sanadkii la soo dhaafay, waxaa si xarago leh ugu soo gudubtay rubuc-dhamaadka.

Ramla ayaa la filayaa in haddii ay cayaarta soo socota badiso in ay u gudubto tartanka cayaaraha olombikada Tokyo ee kadhacaya caasimadda Dakar sannadkan 2020-ka.

gabar soomaaliyeed oo guul ka soo hoyisay tartan feerka ah

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category