Ganacsataddii Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera  Oo Xukuumadda Eedayn U Jeediyey

Hargeysa(RH):-Ganacsataddii iyo Shirkadahii hore gacanta ugu hayey Maamulka Haamaha Shidaalka ee Berbera, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay awood iyo qaab jujuub ah u la wareegtay hantidoodii ay xaqqa u lahaayeen isla mar ahaantaana aanay illaa hadda garaneyn meesha ay ku dambeysay hantidoodu, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in ay ku baaqayaan in dib looggu soo noqdo xaydaabkii sharci isla mar ahaantaana ay Xukuumaddu dhego u yeelato cabashada Ganacsatada ee salka ku haysa isla xisaabtanka.

 

Ganacsatadan iyo Shirkadahani ba, waxa ay sheegeen in weli muran ka taagan yahay Haamahii Shidaalka ee Berbera isla mar ahaantaaana aan weli la dhammeynin cabashaddii Ganacsatada iyaga oo sida oo kale tuhun xoogga ka muujiyey Ganacsade Cali Waraabe oo ay isku qoys yihiin Madaxweynaha isla mar ahaantaana dhinaca Xukuumadda ka caawiyey la wareegiddii Haamaha Shidaalka iyaga oo tilmaamay in ay u tuhun san yihiin in Xukuumaddu ay isaga si gaara u siisay xaqiisii hore uga galay Haamaha Shidaalka Berbera.

 

Faysal Xaaji Yuusuf Aadan oo la hadlay Warbaahinta, ayaa faah-faahin ka bixiyey halka ay arrimahu marayaan, waxaana uu yidhi:-"Waad arkeyseen oo dawladdu waxa ay tidhi waanu la wareegnay, wax aanu dawladda si cad ugu wareejinay haddii aanu nahay guddidii fulinta iyo BOG toona ma jiraan, waxa ay ku wareejisay ma jirto haddey guddoomiyahii tahay, haddey xoghayahii tahay iyo shirkadaha kale ba haddii ay tahay, cid kalsooni ka haysata ama ay u igmatay oo na matelaysay oo aanu arrintaa ku oggeyna ma jirto haba yaraatee, waxaana aanu u arkeynay uun in hantiyadayaddii xoog iyo khasab iyo jujuub uun loo la wareegay oo dawladdu na u adeegsatay nin shaadh kale loo soo geliyey oo uu lee yahay waxbaan idin ku wareejiyey oo aanan garaneyn cidda uu metelaayey iyo cidda uu oggolaanshiyaha ka haysto oo mandate kaa aanan fahmin, markaa dee haddii dawladdu dooneyso in aanu Haamaha ku wareejino waxa aanu ugu wareejinaynaa si cad e' laakiin xisaab baa ka horreysa oo waxay noo mareysay waar Haamahii bannaanka ayey anaga naga yaalaan ee idinkuna waxyagii baanu rabnaayee aynu isla meel dhigno, qorshahu na wuxu ahaa oo heshiiska ku qoran haddii ay is fahmi waayaan kireeyaha iyo kireystahu in arrinta loo saaro guddi dhex-dhexaad ah oo heshiiska na ku qoran, haddii ciddaasi dhameyn kari weydana in sharciga lagu kala baxo, markaa waxa aanu ku nidhi haddii guddidaas dhex-dhexaadka ah aydaan oggoleyn dee Madaxweynahaa muddo xileed leh oo muddo shan sanno ah la doortayee oo dammaanad haystee idin beri baa isku shaan-dheynta la idin ku dari karaa yee aanu Madaxweynaha balan ka qaadno afkiisa oo weli ba Madaxweynahu waa uu ku fiican yahay dhinaca balanka iyo in dee aanu sidaas gacanta ugu hayno uun Haamaha, tiina islamaanan fahmin, se waxa noo xigtay uun in si juujuub ah waxayagii loo la wareegay.".

Ganacsade Faysal oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:-"Haamaha waxa ku jira anaga ayaa lahayn, shirkad kasta na waxa ugu jirta dee hantida meesha ku jirta cid baa noogga mas'uul ahayd oo guddi baanu u xil-saarnay, guddidaas baanan kala xisaabtamaynay, waxaana ay ahayd guddidu dee in marka ay wareejinayso ay tidhaahdo shirkad kasta intaa ma kuu haynay, deedna aanu nidhaah no haa, oo ciddaas baanu kuugu wareejinay ee saxeex oo guddoomiyaha, ku xigeenka iyo guddida fulintu ba ay arrintaa sidaa ku oggaadaan laakiin in shirkad qudha uun la yidhaa maxa meesha kuu yaalay. Ninkan yidhi waxbaan wareejiyey waa nin sida aanu u arkeynay naga mid ahaa oo Madaxweynaha na ay isku reer yihiin oo is xigaan, markaa dee waxaan is idhi tolow wixii sii ma gaar buu u siiyey, miyey isu luqun laabeen, dee maxa jira, waa maxay sababta iyada oo arrintii shirkadaha oo dhammi taagan tahay uu isagu u tagay halkaa. ".

Ganacsade Faysal, waxa uu mar kale ka digay in Ganacsade Cali Waraabe aanu metelin ka ganacsato ahaan isla mar ahaantaana ay u tuhun san yihin in Madaxweynahu uu siiyey wixiisii uu xaq u lahaa.

"Ma jirto cid xubno ah oo awood ka haysatay shirkadaha oo halkaas ka qeyb-gashay, laakiin waxa aanu ka digeynaa uun, Madaxweynaha na aanu u gudbineynaa si aanu u iman burbur shirkadaha dhexdooda ahi oo aan loo odhan ninkii ay isku reerka ahaayeen Madaxweynaha baa wareejiyey oo shirkadahu u kala shakiyin oo Madaxweynahu wixiisii hoos buu u siiyey ama waa la isku yara luqun laabay ama waxbaa halkaa yara jira, sababtoo ah shirkadahii kaloo dhan baa arrintaa is weydiiyey waana wax la la yaabo in, markaa aad baanu uga digeynaa in aanan la odhan shakhsi gaar ah oo Madaxweynahay isku reer yihiin ahaan aanu hanti umadi lee dahay faraha u la gelin, Madaxweynahu na uu arrintaa ka feejignaado, ayaanu uga digeynaa." .

Faysal Xaaji Aadan, waxa kale oo uu fariin u diray Xukuumadda oo uu ugu baaqey in ay dib ugu soo noqdaan xayndaabka sharciga iyo isla xisaabtanka.

"Waxa aan lee nahay aynu xisaabtanno, sidana waxa ku socon maayaan in xoog iyo jujuub iyo wareeji waxaaga oo khasab lagaa la wareego, waxaan anagu u aragnaa in khasab na laga ga qaadey hantiyadii, markaa dalku sidaa ku socon maayee dee talada saxda ah ha lagu soo noqdo si sax ahna ha loo xisaabtamo oo anagu hantiyadii uun baanu rabnaa, Madaxweynaha na diyaar baanu u nahay, markaa si ay wada shaqeyntii u soo noqoto waxaanu lee nahay arrintaa ha lagu soo noqdo Xisaabtan iyo sharciga dalka u yaala.”.

Dhinaca kale Maareeyaha Haamaha Shidaalka Mudane Xasan Axmed Ibraahim, ayaa war-wer ay shacabku ka muujiyeen shidaal yari soo foodsaarta awgeed, waxa uu sheegay in ay soo socdaan Maraakiib Shidaal ah isla mar ahaantaana la is dejiyo sida oo kale na ay shirkadaha Shidaalku dadka ka iibiyaan Shidaalkooda.

"Waxa aan umadda ugu bushaareynaynaa in shidaal badani noo yimi, waxa hadda wadanka yimi laba Markab oo noo shubaaya shidaal, Maraakiib kale na waa ay ku daba-jirtaa, markaa waxaan u sheegaynaa dadka shidaalka iibsada iyo dadweynaha caam ahaan iyo dadka shidaalka ka ganacsada ba in sabab shidaal yaraan loogga baqaa aanay jirin oo shidaalkii badan yahay se weelkii aanu ku shubaynay uun uba la' nahay, markaa yaan la khal-khalin oo waan idiin bushaareynayaa oo ma jirto wax shidaal yaraan ah iyo shidaal aynu is lee nahay wuu qaaliyoobayaa toona oo midna in aanu jirin baan idiin bushaareynayaa, dadka shidaalka ka ganacsada na waxa aan lee yahay waar dee wadanka shidaalkii waa uu buuxaa oo shidaal la'aani ma jirtee haddaad shidaal haysaan dadka ka iibiya oo yaan shidaalka cusub ee imanayaa aanu idin ku soo gaadhin e' haddaad wax haysaan shidaalka suuqa soo geliya, waana mahadsan tihiin. ".Ayuu ydihi Xasan Axmed Ibraahim

Tan iyo markii uu bilaamay qorshaha ay xukumaddu kula wareegtay haamaha shidaalka waxa jiray qiimo ku kordhay shidaalka oo ka dhashay walwal laga qabo in muranku saameeyo shidaalka dalka, islamarkaana uu yaraado.

 

Category