Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa(RH):- Golaha guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka doorashooyinka qaranka iyo diwaangelinta codbixiyeyaasha ee xeer Lr 91/2020.

Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas Mudane Siciid Jaamac Cali, waxa mudanayaasha golaha guurtidu cod gacan taag ah u qaadeen xeerka doorashooyinka qaranka iyo diwaangelinta codbixiyeyaasha oo hore uga soo gudbay golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii ay dhamaatay codbixintu waxaa natiijada ansixinta xeerkaas si rasmi ah ugu dhawaaqay guddomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, waxaana fadhiga ka soo xaadiray saddex iyo konton mudane, iyada oo ay ogolaadeen sagaal iyo afartan xildhibaan, waxaana diiday laba mudane halka uu ka aamusay hal xildhibaan guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka doorashooyinka qaranka iyo diwaangelinta codbixiyeyaasha ee xeer Lr 91/2020.

Geesta kale, mudanayaasha golaha guurtida waxaa u xidhmay kalfadhigoodii laba iyo todobaataanaad, iyaga oo galay fasaxoodii dastuuriga ahaa muddo shan iyo afartan cisho ah.

 

Category