Halkee ku dambeesay xiisadii ka taagneed Beledweyne?

Beledweyne (RH)-Magaalada Beledweyne waxaa weli ka tAagan xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii uu madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waarre horaantii bishan ku sameeyay guddoomiyihii gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagaar oo loo yaqaanno Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Dabageed ayaa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana uu weli ku sugan yahay xarrunta gobalka halkaasoo ay ku waardiyeenayaan ciidamo daacad u ah.

Magaalada waxaa hadda ku sugan madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waarre iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulkiisa kuwaasoo u tagey magaalada in ay damiyaan xiisadda jirta oo ay ka mid tahay dilkii dhawaan deeganka Kalabeerka loogu geestay taliyihii qaybta booliska gobalka Hiiraan.

Madaxweyne Waarre ayaa maalmahan kulamo la lahaa odayaasha iyo wax garadka magaalada, waxaana dadka uu la kulmay ka mid ah ugaaska gobalka Hiiraan Ugaas Xasan Ugaas Khalief Ugaas Rooble.

Illaa hadda wax natiijo ah kama soo bixin kulamadaas ka socda magaalada Beledweyne, waxaana  maanta magaalada tagey wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan HirShabeelle kuwaasoo u tegay magaalada in ay damiyaan xiisadda taagan.

Wafdiga wasiirada iyo xildhibaannada ayaa la kulmay madaxweyne Waarre, odayaasha waxgaradka gobalka Hiiraan waxaana la filayaa in ay la kulmaan guddoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category