Hogaamiyeyaasha Khaatumo Oo Sheegay Inay Diyaar U Yihiin Dhamaystirka Heshiiskii Dhex Maray Somaliland iyo Khaatumo

Widh-widh(RH):-Siyaasi Kayse Cabdi Yuusuf oo ka mida madaxda Khaatumo ee uu hogaaminayey Alle ha naxariistee Marxuum Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in ay u diyaar yihiin dhamaystirka heshiisyadii Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo dhex maray sanadihii la soo dhaafay,

 

Kayse Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa gudiddii farsamo ee Khaatumo u qaabilsanayd wadahadallaada, horena xil Wasiirnimo iyo hogaamiye Urur-siyaasaddeed uga noqday Somaliland, sidoo kalena lagu tilmaamo xubnaha dhinaca siyaasadda ugu waayo-aragsan hogaamiyeyaasha Gobolada SSC, ayaa isagoo ku sugan Magaalada Widh-widh cadeeyey inay maamulkooda ka go’antahay in la sii ambo-qaado wada-xaajoodkii heshiisyada lagu gaadhay ee ka dhexeeyey Dawladda, marxuumkuna aanu ka tegin meel cidlo ah ee uu ka xijaabtay nidaam dhisan howsha sii wadi kara.

 

 

Siyaasi Kayse Cabdi Yuusuf  waxaa uu hadalkiisa ku Bilaabay “Alle ha u naxariistee Hogaamiyahayagii iyo Odaygii na hogaaminayey haddii uu Dhintay cidla kagama tegin howshii. (Khaatumo) waa nidaam dhisan oo goleyaal dhamaystiran leh, Marxuumka (Cali Khaliif) ragbaa la shaqaynayey, hadafkii,himiladii iyo aragtidii uu lahaa in aanu annagu ku shaqayno oo dhamaystirno waa qabnaa, mana aha Cali hadduu dhintay ujeedooyinkii iyo ahdaaftii uu lahaa way dhimatay oo cidi kama daba-tegin.

Annagu (Khaatumo) mar walba waxaanu diyaar u nahay in aanu aragtidiisii iyo ujeedooyinkaygii sii wadno oo sii dhamaystirno haddii laga helo Walaalahayaga dhanka Somaliland”ayuu yidhi.

Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa geesta kale ku tilmaamay mowqifka Maamulkooda ee wada-hadallada “Waxaanu doonaynaa Somaliland wanaagsan oo loo siman yahay oo la wada leeyahay. Somaliland gees ka gees la wada leeyahay oo loo siman yahay, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo dawladnimada, haddii taas la helona annaga guulbay noo ahayd, walina noo tahay, keligayana guul uma aha ee Somaliland oo dhanbay guul u ahayd, haddii la waayana waxaan u aragnaa in ay guul-darro u tahay Somaliland oo dhan”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Ma jiro wax war ah oo ay Xukuumadda Somaliland ka soo saartay waxa uga qorshaysan sii wadidda wadahadalladii ay Xukuumaddii hore heshiiska kula gaadhay Khaatumo.

 

Category