Imaaraadka Carabta Oo Kor U Qaaday Meeqaamkii Dublamaasiyadeed ee Xafiiska JSL

Dubai(RH)Xukuumada Somaliland ayaa xadhiga kaga jartay munaasibad loo qabtay sare u qaadida meeqaamkii xafiiska JSL ee dalka Imaaraadka Carabta.

 

Munaasibadan shalay lagu qabtay xarunta xafiiska Ganacsiga Somaliland oo ka qeybgaleen  Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Sacad Cali shire, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Safiirka JSL ee Imaaraadka Carabta Amb Baashe Cawil Cumar, Prof Cali Khaliif Galaydh, ganacsato, marti-sharaf iyo masuuliyiin ka socday Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Imaaraadka, ayaa masuuliyiinta ka qeybgashay ka jeediyeen hadalo lagu soo dhoweynayo, isla markaana dib u xaqiijinaysa adkeynta iyo sii kobcinta xidhiidhka soo jireenka ahaa ee labada shacab ee Somaliland iyo Imaaraadaha carabtu wadaagaan.

 

Safiirka JS lee Imaaraadka Carabta, Md. Baashe Cawil oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa sheegay in sare u qaadida meeqaamkii xafiiska Somaliland muujinayso muhiimada xidhiidhka iskaashi ee labada wadan wadaagaan,

 

“Aqoonsi la’aanta dalkeena caqabado badan ayey ka soo marnay, laakiin, dhamaantood waynu ka soo gudubnay. Koboca cilaaqaadka siyaasadeed ee u dhexeysa JSL iyo dalka Imaaraadka carabta ayaa muujinaya sida dadkeenu marwalba ugu heelan yihiin horumar ay gaadhaan, tusaalena u tahay halka shacabkeenu geedigooda ka soo bilaabeen iyo heerka maanta ay marayaan.

 

Md. Baashe ayaa sheegay in dalka Imaaraadku hoy u yahay baddi ganacsatada reer Somaliland isla markaana yahay dhuunta xidhiidhisa ganacsiga aduunka,

 

“Maanta inbadan oo shirkadaha Imaaraadka sida DP World, Ras Gas, iyo shirkadaha diyaarado ayaa bilaabay inay maalgelin ku sameeyaan dalkeena, furitaanka xafiiskan ganacsiga JSl, waxuu albaabada u furi doonaa fursado maalgashi cusub u yimaado dalkeena.

 

“Waxaan uga mahadcelinayaa Hoyga Ganacsiga iyo Warshadaha Imaaraadka, qiritaankooda koritaanka xidhiidhka ganacsi ee labada wadan wadaagaan. Waxaan saadaalinaynaa in fursadani noqoto mid fududeysa ganacsi dalkeena, oo saamaxda in fursado dhinacyo kala duwan u furmaan isku xidhka ganacsatadeena iyo caalamka.

 

Sare u qaadida meeqaamkii xafiiska JSL ku leedahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa jawaab muuqata u noqonaya dhaliilo madaxda xisbiga Wadanni iyo xildhibaanada qaarkood ku sheegayeen in siyaasada Arrimaha Dibeda ee xukuumadu hoos u dhacday.

Category