Itoobiya: 120 ayaa ku dhinmatey bil gudaheed dagaal qoomiyadeed.

RH Adisababa: Dagaal beeleedka ka socda Itoobiya waxaa ku dhintay ugu yaraan 120 qof bishan gudaheeda waxayna ku qasbeen boqolaal kale inay ka cararaan guryahooda, sida laga soo xigtay mucaaradka qowmiyada Amxaarada.

Dilalkii ka dhacay gobolka galbeedka Ethiopia ee Benishangul-Gumuz waxay bilaabeen 6-dii Sept. waxayna daba socdeen weeraro ay hore u qaadeen  maleeshiyo bilihii la soo dhaafay, Dessalegn Chanie, afhayeenka xisbiga NaMA, ayaa sidan qadka taleefanka ku sheegay khamiistii.

Qaar ka mid ah dhibanayaasha si xoog ah ayaa lagu geeyay iskuul kadibna waa la toogtay, halka kuwa kalena lagu weeraray warmo, Dessalegn ayaa sidaas tiri, iyadoo soo xiganaysa qof ka badbaaday oo cisbitaal ku jira.

Komishanka xuquuqul insaanka ee Ethiopia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaalada amaanka ee gobolka.

Madaxda gobolkaasi waa inay furaan baaritaanada ku saabsan dilka, ayay tiri.

Dalka Itoobiya waxaa hadheeyay isku dhacyo lagu hoobtay iyadoo uu riixayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed isbadalkan lagu sii hurinayo xiisadaha siyaasadeed.

Isbeddelada socda ayaa qayb ahaan sabab u ah kooxaysiga gobolka waxayna kicisay xafiiltan horay loo xakameeyay oo ka dhex jiray beelaha qowmiyadaha.

"Dhacdooyinka amniga ee goosgooska ah" waxaa "ka dambeeya kooxo ujeedkoodu yahay in la la afgambiyo safarka dib u habeynta," ayuu Abiy ku yiri khamiistii bartiisa Twitter-ka.Howlgal gaar ah ayaa la howlgelin doonaa si loola xisaabtamo dhammaan dambiilayaasha iyadoo uu kormeerayo Xeer ilaaliyaha Guud. ”

Rabshadaha ayaa imanaya kadib mudaaharaadyo lagu hoobtay oo dhacay June, kadib dilkii fannaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa bishii Juun. Qiyaastii 200 oo qof ayaa ladilay dowladuna tan iyo markaas waxay xirtay 9,000 oo qof, sida uu sheegay guddiga xuquuqul insaanka qaranka.

Category